Dhegayso…Faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa weerarkii Shariif Xasan

1
28

sadShariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu maanta ka badbaaday isku day dil oo la doonayay in lagu qaarajiyo kadib markii Miino loo dhigay Kolonyo Gaadiid ah oo uu la socday lagu qarxiyay meel u dhow carbiska.

Afhayeenka Shariif Xasan C/qaadir Cashir Nadaara ayaa sheegay in Shariif Xasan uu kasoo tagay Degmada Afgooye kuna socday deegaanada ay dadka barakayaasha deegaamaysteen ee Lafoole iyo Ceelasha biyaha oo ka wada tirsan degmada Afgooye gobolka Shabellaha Hoose isla markaana uusan wax dhibaata ah kasoo gaarin Qaraxaasi Shariifka uuna ka badbaaday oo uu bed qabo.

Dhanka kale wararka ka imaanaya Muqdisho ayaa waxay ku waramayaan in uu Shariif Xasan la dhigay Cisbitaalka ciidamada AMISOM ee Xalane halkaasi oo haatan looga dabiibayo dhaawacyo la sheegay inay kasoo gaareen Qaraxii lala eegtay maanta.

Unknown Album

Wixii warar ah ee kasoo kordhana kala soco Daafeet.com

1 COMMENT

  1. maxey tahay waxaad soo qoreysaan shariifka wax ma gaarin baad soo qorteen hadana waxaad soo qoreysaan isbitaal baa lagu daaweynayaa maxaad ka wadaan ..ma naceyb aad u qabtaan hogaamiyaha mise buunbuunintii aad caanka ku ahaydeen…shyt

Comments are closed.