Guuxa Dadweynaha”Labadii Xaqdaro ku heshiisaa Xaqa ku dirirtaa”

3
103

shariifIn badan oo ka mid ah dadka Asal ahaan kasoo jeeda gobolada KoonfurGalbeed ayaa waxay is weydiin jireen ilaa iyo maanta weli u taagan su’aasha ah waxa ay meel mar u noqon waayeen heshiisyada ay madaxdoodu galaan.

Waa dhab oo Heshiisyadu waa Balamo,Balan laga baxaana waa Diinta oo laga tago marka xagee ayay sartu ka quruntay oo ma Madaxdaan Diinba la hayn mise kolka horaanba jirin wax laysla ogyahay oo ay Madaxdeenu kula heshiisa madaxda kale!

Waa yaab oo yaabka yaabkiis in ay maalin walba saxaafada laga hor sheego inay heshiis galeen Maamul hebel iyo Maamul hebel,Beel hebel iyo Beel hebel,Madaxweyne hebel iyo Madaxweyne hebel,Guud ahaan dadka wada dega deegaan hebelna waa heshiiyeen iyo Xalay dhalay laga noqoy wixii dhacay hadana maalinka xiga uu xaalku noqdo”Faanoole fari kama qodna”Waan u jeednaa inay Xaajadan falmi la’dahaye horta Xagee nalaga haystaa oo Xaajadeenu ka falmi la’dahay?! ayaa ruux lasocday gaari rakaan ahaa ku yiri dadkii la saarnaa gaariga.

Inkasta oo aan cidina u jawaabin ayaa hadana waxa uu ku guuxay sidan

Iswada qabsigan aan xadka lahayn iyo humaaga danaha shacabka loo dul dhigay danta shaqsiga ma waanay ahayn mid koobaysa oraahdii ahayd “Aw-Iimaamoow Iingh lee ertaa amaba uskulu-hortaa ilaa Misaajid dabadiis wal iswada haayside” oo xaalku waa isku wada dhegan ee yaa u kala garqaada!

Heshiiska aan ku dhisnay KoonfurGalbeed waxa uu ahaa in gobolada Sedexda ah ee Shabeelaha hoose,Baay iyo Bakool lagu koobo KoonfurGalbeed sidoo kalena maamulka Juba uu dadka kasoo jeedo KoonfurGalbeed uu siiyo Xuquuqda ay ku leeyihiin gudaha Juba waxaana ku ogolaanay heshiiskaas si aan Shabeelaha hoose nalooga xoogin!!!Sidoo kalena waxaa fulinta heshiiskaan balan ku maray Beesha Caalamka,Wadamada Deriska, Wakiilka Qaramada

Midoobay,Igad,Itoobiya,Madaxweynaha Soomaaliya iyo Kan Juba sow ma ahayn oraahdii Shariif Sakiin ayay isweydiisay Gabar Suxufiyad ahayd oo koox kale oo suxufiyiin ahi kula shaahaysay maqaayad badanaaba aqoonyahanku ku kulmaan.

Waa naga Su’aale maanta ee aaway kuwii aad aamintay ee magacyada badnaa waaba hadii uu hadalkaagu ahaa Run e oo aaway Shabeelaha hoose ee aad sheegaysay in aad soo celinayso?”Miro gunti ku jira kuwo Geed saaran looma daadiyo” ayay Soomaalidu ku maahmaahdaaye Lixdii la dhisay ee aad Sedexda ku dumisay sow ma ahan tan maanta u xuub siibatay Gobol iyo Bar sida Galgaduud iyo Mudug!. ayay markale raacisay intii la fadhiday dhegaysigay gacan ku siiyeen.

Maamulada waxay dood ugu jiraan isla markaana ay soo dhacsanayaan tuulooyin aan xitaa waqtiyada qaar ee sanadka aanay cidiba ku noolayn waqtiga ay dadka ku noolyihiina tuulada ugu badan ay degen yihiin labo ilaa sedex qoys oo kolka tiradooda la isu geeyo aanayba ka badnayn Sideed ilaa Kow iyo Toban ruux adna waxaad hibaysay sedex gobol waxaadna maanta sidoo kale dadaal ugu jirtaa beecinta gobol iyo bar(Shabeelaha hoose iyo Bakool)ma waanu xaalkeena ahayn maanta”Aan Ooyee Albaabka ii xira”.Ayuu ku calaacalay arday weli waxbarashada ku jira oo goobta ku sugnaa.

Waxaan idiin degmeynayaa oo aan hadana gobol idiinkaga dhigaayaa deegaanka Jasiira(Abgaal)Ceelasha biyaha(Ceyr),Lafoole(Saleebaan) iyo Dameeraale(Marusade) kuna darsada Afgooye iyo Marka intaas waa gobol weyn oo ka kooban lix degmo oo weliba bad iyo beeraba leh sow Shariif kuma baryootamin si uu uga badbaado sharta Hawiye ALLOW adaa weyne Qiimaweynaa Ruuxa Sakiin!!! ayaa ruux u muuqday inuu welwel weyn qabay hadalka ku darsaday.

Ummad yahay wada huruda maalin walbana goob laga tagay bulo ku tumata inta aan warqado qoraalkood laguugu yeelan toos oo talaabo qaad hadii kale Baar Calaacal iyo Bogsanwaa hada bogsanwaa waa kuu hoy! ayuu yiri fanaan guubaabo kula dhaqaaqay dadkiisa.

Inkasta oo Guuxa dadweynuhu muujinayo dareen weyn ayaa waxaa hadana weli ummadda indha sarcaadinaaya maamul kolka laga reebo erayga maamul aan wax u raaca lahayn sidii oo ay tahayna maaweeladiisu ay ummadda oo dhami maanta wada arkayso kuna baraarugsan balamada beenta ah ee maalin walba uu sheegaayo inuu fulindoon iyadoo ay hubaalna tahay in dhamaan heshiisyada uu galayo aanay jirin cid wax ka og sidaa oo ay tahay hadana la arko isagii oo ummadda ku beer laxawsanaya waxbaa la iiga baxay ee Shariifoow ogow”Labadii Xaqdaro ku heshiisaa Xaqa ku dirirtaa”

Abdiaziz ShSalah

Waa inoo Talaadada danbe hadii ALLE laga helo.

3 COMMENTS

  1. Naga cabsada waligiis hawiye na ceeb
    Raxanwen waa umada somaliyeed hadaad xabada
    Usoo dhiibtabtay abgaal baa iskuga filanayin viva hawiye the king of africa
    Unuka waxan heesana dadka ugu dagaal yahansan waxana anagaa keenay hawiye waligiis a shaqeenayo

  2. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    War waa dhamaadi waagaadi ku neebso nin walboo qaado ushaada,caagaga biyo buuxso,canbuuladaada faraqaaga ku shubo,ee hala doono dal iyo dad wey lumeen gacan kuma jiraan”ninkii dhiig lahoow kac,hurdaayow toos,doqon wax day,damiin wax baro”

  3. sxb qoraga waxbaa kaqaldan si dhab ah na wax uma shegin!adigana meel dheer wax kama fiirin sababto ah dagaalyahan haduu waxso kordhinlahaa waxa waxso kordhin lahaa roomaaniyiin ama cusmaniyiin ama cabasiyiin iyo reergalbeedka maantadan hogamiya dagaalada iyo kuwa kale oo horay usoo maray aduunkan eynu kunool nahay ee bila,a tiirka ama waxba celin ee warega sida kubada ama balooniga allahi sameyay wuxuu quraankiisa kuyiri yaa aqi inta qof somali ah waxkuwisa ahi maqan yihiin towfiiq ma imaneyso dadka soomaalidu waa hilmaam dhow yihiin sida umuleyda.aaway dersigii labatanki sano ee tegay?aaway waxii laga dhaxlay dagaladi lamagacbaxay<al xarbul ahli ama dagaal sokeye lagana dhaxlay wax lawada ogyahay oo aan halkan kuso kobi karin,soomaaliya maanta waxey maree qeybi oo xukun wadankana malahan dhaqanka lagu yaqaan xornimo ama dad madaxbanaan ee laheesku noqdo

Comments are closed.