Kulan looga Hadlayey Amaanka oo maanta lagu qabtey Magalada Muqdisho

0
44

kulanKulan looga hadlayey amaanka magalada muqdisho iyo weerarada ay mararka qaar maleegaan alshabab ayaa waxaa kasoo qeyb gashey madax kala duwan.

Kulankani madaxda kasoo qeyb gashey waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte, Wasiirka Amniga, Taliyaha ciidanka Booliiska, Taliyaha ciidamada Nabad Suggida iyo Duqa Muqdisho Muungaab.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte, ayaa laamaha ammaanka faray inay ku dadaalaan xaqiijinta ammaanka caasimada iyo sidii looga hortagi lahaa ficilada ay Shabaabka ka geysanayaan Magaalada Muqdisho.

Markii uu kulankaasi soo dhamaaday ayaa Saxaafadda waxaa la hadlay Taliyaha hogaanka ciidanka booliiska Soomaaliyeed Generaal Maalin.