Dhegeyso:- Bananbax Loagu Taageerayo Mooshinka Laga Keeney Maamulka Axmed madoobe oo Lagu Qabtey Magalada Baydhaba

1
56

bananbaxDegmada Baydhabo ayaa maanta waxaa ka dhacay bananbax looga soo horjeedo Baarlamaanka cusub ee maamulka KMG ah ee Jubbaland iyo taageero loo muujinayo mooshinka ay baarlamaanka federaalka ay ka keeneen sida loosoo xuley baarlamaanka Jubbaland.

Magaalada ayaa gebi ahaan Maanta xirnayd iyadoo amaanka si wayn loo adkeeyay, dad-weynaha dibadbaxa dhigayey ayaa waxay isugu wada yimaadeen garoonka wayn ee Ayuub Studium.

Banaanbaxa ayaa waxaa kasoo qayb-galay dhammaan Wasiirrada maamulka Shariif Xasan Koonfur-galbeed ee ku sugan Baydhabo, waxaa kaloo goob joog ahaa siyaasiyiin, waxgarad qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka iyo ganacsatada magaalada.

bananbixii maanta ka dhacay baydhaba may 20

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

bananbixii maanta ka dhacay baydhaba may 20 mobil

1 COMMENT

  1. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Ku:shacbiga Digilmirifle aad bey u mahadsan yihiin banaanbaxa ay sameeyeen,yaan la joojinin,baydhawa keliya ma aha waa in uu ka bilowdaa dhamaan magaalooyinka iyo tuulooyinka sida”buur hakaba,daafeed,afgoy,mugdishow,marka,awdheegle,bulosheik,haduuman,qoryooley,galweyn,bulomareer,barawe,kurtunwaarey,mokoydumis,iidowguudw,haramka,jilib,jamaame,kamsuma,kismaayow,bo’aale,saakow,badhaadhe,afmadow,jula iyo jaway,juwaarey,ilbaate,sablaale,baardheere,ceelwaaq,garbahaarey,gansaxdheere,luuq,buuloxaawo,doolow,yurkut,weejid,kulunjareer,xudur,teyeglow,ceelberde,berdaale,goofgaduud,ceelali,janaale,mushaane,waagaadi” iwm.fadhi majiro Dalkii iyo Dadkii wey lumeen sidii lagu keeni lahaa looguna soo celin lahaa waa in ay u istaagaan bulsho weynta kala duwan ee koofur galbeed xaqa ninkiisa daba joogo malumo.

Comments are closed.