Fadeexad…Shariif Xasan oo xilal culculus uga magacaabay gobolka Shabeelaha hoose beelaha duulaanka

8
46

fadeexWararka ka imaanaya degmada Afgooye gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxay ku waramayaan in shaqsiyaad ka soo jeeda beelaha Hawiye uu Shariif Xasan u magacaabay xilal aad u culus inay ka qabtaan gobolka Shabeelaha hoose iyo weliba degmada Afgooye.

Shaqsiyaadkan uu Shariif Xasan u magacaabay xilalkan ayaa waxay kasoo kala jeedaan beelaha Marusade,Abgaal iyo Habargidir oo intuba aan wax deegaan ah ku lahayn gudaha gobolka Shabeelaha hoose iyo degmada Afgooye toona.
Shaqsiyaadkan uu magacaabay Shariif Xasan ayaa waxay kala yihiin sida tan;

1. Maxamuud Daahir Faarax (Qooley) oo uu u magaabay Isu-duwaha Wasaarada Maaliyadda KGS ee Gobalka Sh/Hoose waxa uuna kasoo jeedaa beesha HabarGidir.

2. Maxamed Abuukar Jacfar waxa uu u magacaabay Taliyaha Nabadsugida Gobalka Sh/Hoose waxa uuna kasoo jeedaa beesha Murusade.

3. Cumar Fareey Muuse ayuu u magacaabay Qasnajiga Dowlada Hoose ee Degmada Afgooye waxa uuna kasoo jeedaa beesha Abgaal.

Shaqsiyaadka sedexda ah ee uu Shariif Xasan u magacaabay xilalkan culculus ayaa waxay qayb ka yihiin burcada beelaha Hawiye ee ku habsaday gobolka Shabeelaha hoose tan iyo burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya1991dii.

1-Maxamuuf Daahir Faarax (Qoley) inta aanu Shariif Xasan u magacaabin xilkaan ayaa waxa uu ka mid ahaa maxada Burcada Beelaha Hawiye ee maamula hay’adaha Samafalka ka howlgala gobolada Sh/hoose iyo Banaadir sidoo kalena waxa uu ahaa Dulaal u dhexeeya Ajnabiga la afduubto iyo Afduubayaasha Beeshiisa Maxamuud Daahir Faarax (Qoley) 23-kii Bishii October ee sanadkii 2009 lamaanayaal reer Ingiriis ahaa Paul and Rachel Chandler oo ay Burcad Badeeda beeshiisu kasoo qafaasheen meel u dhow Jasiirada Sishalis mudo sanad iyo ku dhawaad ahna ku haysteen Xarardheere ayaa waxa uu u kala dulaalay Burcad badeeda Beeshiisa iyo Ahalka Paul and Rachel Chandler oo ninkan waxa uu aad u yaqaanay dulaalnimada Burcad Badeeda beeshiisa halka isaga iyo Shariif Xasana ay ahaayeen dad aad isugu dhow tan iyo xiligii Shariif Xasan uu ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka KMG ahaa ee Soomaaliya.
dere2. Maxamed Abuukar Jacfar waxa uu markii ugu horeysay Gudoomiye ka noqday Degmada Howl Wadaag magaalada Muqdisho kadib kolkii xilkaasi laga xayuubiyayna waxa uu qayb ka noqday Burcad dhuleedka beeshiisa ee ku sugan gobolka Shabeelaha hoose isagoo bilaabay inuu dhigto Isbaaro wadada u dhexeysa Afgooye iyo wanlaweyn kadibna waxa uu xubin firfircoon ka noqday Kooxdii waalida iyo isir raadiska ku dhisneyd ee Shabeele State.
jacfar3. Cumar Fareey Muuse waxa uu u ahaa maamulkii dhulboobka ee uu hogaaminayay Burcadkii Yuusuf Indhacade Xiriiriyaha hey’adaha samafalka ee gobolka Sh/hoose waxa uu markii danbe xafiis uu iskiisa u maamusho ka furtay degmada Afgooye isagoo sidoo kalena diiday inuu ka amar qaato maamulka macmalka ah ee SIIDII sidoo kale Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha xukuumadda Muqdisho Cabdullaahi Goodax Barre ayaa taariikhdu kolkay ahayd 22/11/2014 u magacaabay in uu noqdo xiriiriyaha hay’adaha samafalka Gobolka Shabeelaha Hoose si KMG ah mudo lix (6) bilood ah oo ku ek beri 21/5/2015.

wer

 

 

 

 
Talaabadan uu qaaday Shariif Xasan ayaa waxay meel ka dhac ku tahay guud ahaan dadka dega gobolka Shabeelaha hoose gaar ahaan madaxda dhaqanka, Mas’uuliyiinta, Aqoonyahanada, Waxgaradka,Dhalinyarada,Haweenka iyo dhamaan bulshada qaybaheeda kala gedisan.

8 COMMENTS

  1. Kkkkk ha idinku taagnaato rer shabelada hoose yaan waxba laga soo qaadin dadkan waxii ay rabeen waa usowday gumaysi seega waligiisba

  2. daafeed waxan idiin dhihilaha hadii uu talaabo qaado hogaamiye shariif xasan kawar suga ee hahorboodina hadii aad idinku xaldhaama heysaan soo bandhiga haleydin arke hadii kale raaca wadadii saxda ahed ee lagu sheegay quraanka

  3. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk iska aamusa waxaad ka hadleysi ruux la magacabi tan iyo1991 dii yaa maamulaay shabelaha xoose idinka rer daafet xaged ku jidheen walaliyaal waa su aale ??????????

  4. Sacii lasoo xaday sheekadee aad Meehan ku ha aysan dawlada. Soo raaca dhulkan waa naga badan yahay ye yacni wareer waa ka soo dhalanay digi iyo daamo hadii

  5. walah waa yaab shariif wahuusowad ayaa kasii ween wixuu iska gadayaa hawiye waxaad kaheshaa leedahay lacarkidoonaa

Comments are closed.