Qaxooti Somaliyeed oo Tiradoodu Gaareyso 962 oo Maanta Soo Gaarey Dekeda Berbera

0
30

barakac5Galinkii hore ee maanta Saakay Waxaa Dekedda magaalada Berbera soo gaaray markab siday 962-qof oo Qoxooti Soomaaliyeed ah oo laga keenay dalka Yemen, iyadoo baarlamaanka Soomaaliya uu Sheegay in ay Markabkaas u kireeyeen si uu Qoxootigan uga soo qaado Yemen.

Baarlamaanka Somalia ayaa sheegay in markabkan ay howshiisa wadeen guddi isugu jira xildhibaanno, siyaasiyiin qunsuliyadda safaaradda Soomaaliya ee Yemen, kuwaasoo uu howshan u xilsaaray guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia.

Maxamed Xasan Daryeel oo ah la-taliyaha gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Somalia isla markaana ka mid ah guddiga howshan wada ayaa xaqiijiyay in markabka qoxootigaan wadan uu saaka gaaray Berbera uu u kireysan yahay baarlamaanka Somalia.

Sidoo kale, Baarlamaanka FS ayaa ku dhawaaqay gurmadkan inuu ka qayb-qaadanayo 22-kii Abriil 2015-ka, kaddib markii ay arrintan go’aamiyeen guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka, waxaana lacagta uu baarlamaanku howshan ugu deeqay ay gaaraysaa 300,000 oo doollarka Mareykanka ah.

Ma aha markii ugu horeysey oo ay qaxooti ka yimid dalka Yeman soo gaaraan dekeda berbera kawaasoo kolkii horaba ka cararey dagaalada ka jirey dalka somaliya hadana maciin mudey dalka somaliya maadaama yemen ay howsheedu qatar gashey.