Dhegeyso:-Maamulka Shariif Xasan oo Sheegey in Axmed Madoobe uu ka Baxay Hishiiskii ay Wada Galeen

1
34

baydhabooXasan Cabdi Maxamed wasiirka Warfaafinta Maamulka Shariif Xasan ayaa shaaciyay in Maamulka Axmed madoobe  uu burburiyay Heshiis ay wada gaareen labada Maamuul.

Wasiirka ayaa sheegay in ay aad ugu xun yihiin dhismaha Baarlamaanka Maamulka Axmed Madoobe isla markaana waxa uu sheegay in aan lagu dhisin qaab Cadaalad ah Baarlamaankaasi.

Xasan Xasan Cabdi Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in aysan aqbaleyn ama raali ka noqoneyn qaabka lagu dhisay Baarlamaanka Maamulka Axmed Madoobe.

Si kastaba arintu ha ahaateen hishiisyadan la sheegayo in ay wada galeen maamulka Axmed madoobe iyo kan Shariif Xasan ayaa dadka intooda badan waxaa ay ku fasirayaan in uu ahaa hishiis dhaqaale oo la xiriirey burburintii maamulka lexda gobol taasoo ay kolkii hore balan qaadeen maamulka Axmed Madoobe iyo kan Puntland markii dambana ku dhamaadey sidan aynu hada aragno.

mamulka shariif xasan

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

mamulka shariif xasan mobil

1 COMMENT

  1. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Xaq u dirirkoow ka digtoonaada,gumeysigu wuu khiyaaano badan yahay,yaan la idin dardarin been bey sheegahayaan wey iska war qabaan ahmed iyo xasan iyo kuwa dawa dhilifka u ah.

Comments are closed.