Dhegeyso:- Faahfaahin Dheeri oo Laga Helaayo dagaalkii maanta Ka Dhacay Degmada Awdheegle

0
30

tiyeeglowWarar ka imanaya degmada Awdheegle ee gobolka shabeelaha hoose ayaa waxaa ay ku waramayaan in aroornimadii hore ee saakey bar koontarol oo ay ciidamnada dowlada ku lahaayeen deegaanka Mubaarak ay gacanta u gashey dagaalyahanada xarakada Alshabab, Fadhigan ciidamada dowlada ay ku lahaayeen deegaanka Mubaarak oo ahaa mid dadka deegaanka ay aad uga cabanayeen ayaa waxaa x aley suura gashey in gebi ahaanba koxdii ku sugneyd bartaasi koontarool ay xoogaga alshabab ka dhigeen waxey dilaan iyo waxey nolol ku wataan halka qaar ka mid ah oo baxsadeyna la sheegey in biyaha webiga uu qaadey.

Isla weerarkaas ay xoogaga Alshabab ay kusoo qaadeen deegaanka Mubaarak ayaa mid la mid ah waxaa ay ku qaadeen degmada Awdheegle kaasi oo ay la beegsadeen ciidamo kuwa dowlada ah oo gudmad u ahaa ciidamada lagu laayey deegaanka Mubaarak goob jooge ku sugnaa deegaanka Mubaarak ayaa Deefeed.com waxaa uu u xaqiiyey in guud ahaan saldhigii ciidamada dowlada ay ku lahaayeen deegaanka Mubaarak haatan uu yahay banan cidla ah ka dib kolkii xarakada alshabab guud ahaan ay qaateen qalabkii ciidkanka ay meesha ku heysteen oo isugu jirey gawaari dagaal hub iyo rasaas iyo weliba teendhooyinka la seexdo.

Dhanka kale gudoomiyaha degmada Awdheegle Maxamed Aweys Abukar oo la hadley VOA ayaa waxaa uu sheegey  in dhankooda ay ka dhinteen 19 ka mid ah ciidamada dowlada halka uu sidoo kale sheegey in xoogaga alshabab ay ka dileen 26 ruux Gudoomiyaha ayaa intaas ku direy in 19 askari meydadkooda loo qaadey magalada caasimada magalada Muqdisho oo ay kasoo wada jeedeen askartaasi.

Xarakada alshaba oo dhanekeeda ka hadashey dagaalkaas ayaa waxaa ay sheegtey iney ku guuleysatey ay guud ahaan ka tirtirto deegaanka mubaarak isbaaro ciidamada dowlada ay dadka deegaanka baad kaga qaadi jireen ayagoo sidoo kalana sheegey in dagaaladii ka dhacay degmada Awdheegle i yo deegaanka Mubaarak ay ku dileen in ka badan 25 askari.

Si kastoo loo dhigaba dhacdadan ay xarakada Alshabab ay ku weerartey deegaanka Mubaarak iyo degmada Awdheegle ayaa waxaa uu imanayaa markii labaad in ka yar todobaad.

gudoomiyaha degmada awdheegle

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

gudoomiyaha degmada awdheegle mobil