Daawo Sawir Laga Sameeyey Mashruucyada laga leeyahay Dalka Somaliya oo Diidan Iney Dhamaadaan

1
45

Jawaari-posterIn mudo ah ayaan waxaan maalin walba maqalnaa in ay gaba gabo joogaan xaada dalka isla markaana ay xukuumada ku hamineyso in ay meel mariso waxa loogu yeerey hiigsiga 2016 taasoo somalida inteeda badan ay ku fasirtey in ay tahay riyo aan rumoomi doonin maadaama xukuumada iyo qaar ka tirsan beesha caalamka ay ka shaqeynayaan in dhibaatada ka taagan dalka somaliya aysan dhamaanin si ay usii masaruuftaan.

Golaha baarlamaanka ayaa looga fadhiyey in ay wadanka ku dhaqdo dastuurka federalka somaliya balse waxaad moodaa in gudoonka baarlamaanka iyo qaar ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka ay iska indha tirayaan xaalada guud ee uu dalka sugan yahay iyo howlihii dastuuriga ahaa ee looga fadhiyey iney meel mariyaan.

Hadaba sawirka aad arkeysaan waxaa uu ka turmayaa xaalada uu dalka ku sugan yahay oo ah dagaal aan marnaba dhamaaneyn oo mudo shan i yo labaatan sano kor u dhaafey dagaalkaas oo u dhexeeya caruurta da,a yarta ah iyo ciido shisheeye ama ha noqdaan unisom ama amisom ayagoo ilaa iyo hada u la,a wax xal ah.

( Dalka xal ayuu u baahan yahay ee Dagaal uma Baahna )

xasan

Jawaari-poster

1 COMMENT

Comments are closed.