Dhegeyso:-Xukummada oo Sheegey In Dilkii Xildhibaan Yusuf Dirir ay Ka dambeeyeen Ciidamada Dowlada

0
33

dilWasaarada Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u sheegtay cidii ka dambeysay dil shalay Muqdisho loogu geystay Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradaasi oo shir jaraa’id maanta ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo watay gaari Cabdi Bile ah ay rasaaseeyeen gaariga Xildhibaanka uu watay.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf wuxuu sheegay in Amuurtaan loo xilsaaray Guddi ka kooban 7-xubnood oo Warbixin rasmi ah ka keeni doona qaabka dilka uu udhacay si dambiilayaasha maxkamad loo soo taago.

Yaa ka dambeyey xilkii xildhibaan yusuf dirir

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

Yaa ka dambeyey xilkii xildhibaan yusuf dirir mobil