Warbixin Kasoo Baxdey Qaramada Midoobey oo Lagu Sheegey In Kenya Ay Si Sharci Daro Ah Dhuxul Uga Dhoofiso Magalada Kismaanyo

2
66

dhuxulWarbixin cusub oo kasoo baxday Qaramada Midoobay “QM”, ayaa lagu sheegay in shirkadaha ganacsiga Kenya iyo ciidamadooda difaaca ay ka qeyb qaataan dhoofinta dhuxusha Sharci darada ah iyaga oo ka dhoofinaya magaalada Kismaayo.

Warbixinta oo kasoo baxday gudiga daba galka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa mar labaaad lagu sheegay in ciidamada Kenya ay ku lug leeyihiin ka ganacsiga dhuxusha sharci darada ah ee laga dhoofiyo magaalada Kismaayo oo Alshabaab laga saaray seddex sano ka hor.

Laakiin warbixinta ayaa lagu sheegay in qeybsiga faa’idada dhaqaalaha u dhaxeyso maamulka gacanta ku haya Kismaayo iyo Kenya, sidoo kale Alshabaab ayaa la sheegay in dhaqaalahaasi ay wax ka helaan.

Warbixinta ayaa shaaca ka qaadeysa in wali uu socdo ka ganacsiga dhuxusha sharci darada ah oo ka soconaya Kismaayo iyo deegaanada kale oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Kenya iyo xulafadooda.

2 COMMENTS

  1. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Warka ka soo yeeray UN ma runbaa?maya run ma aha,waxay wax ka qaban la haayeen xasuuqa ka socdo koonfurta somaliya.

Comments are closed.