Alshabab oo Labaatan Askari oo Boliis Ah Ku Diley Deegaan Yumbis ee Dalka Kenya

0
25

Alshabaab-dagaal1Booliiska Kenya ayaa sheegtay in 13 Askar oo ka mid ah ciidamada booliiska dalkeeda ay ku maqan yihiin weerar gaadmo ah oo ay xalay ku qaaday Al-shabaab Kolonyo Ciidamada Booliiska Kenya ah oo marayay Deegaanka Yumbis oo ku dhow degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya.

Saraakiisha booliiska Kenya yaa sheegay in ka badan 20-askari oo booliis ah in lagu dilay weerarkii xalay ka dhacay gudaha Kenya, iyadoo weerarkan uu noqnayo kii ay ku dhintaan dadkii ugu badnaa weerrada ay Xarakada Al-shabaab ku Qaadayso Gudaha Kenya wixii ka dambeeyay weerarkii Jaamacadda Gaarisa oo ay ku dhinteen 148 Arday ah.

Afhayeenka ayaa Hadalkiisa ku daray. “Ciidamadii Dhaawacyada ahaa Waxaa la Geeyay Isbitaalka halkaasoo lagu daweynayo.” Wuxuuna raaciyay. “Saraakiisha la la’yahay waxaa filaynaa inay ku maqan gacanta xoogagga Al-shabaab.”

Sidoo kale, taliyaha booliiska degmada Gaarisa, James Kianda ayaa isna sheegay in askarta dhimatay aan weli la xaqiijin karin tiradooda, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya ay iyaduna sheegay inaan la xaqiijin karin tirade askarta weerarkii xalay lagu dilay.