Shir Lagu Qabtey Magalada Landon oo Ay Isugu Yimaadeen Reer Banaadiri Oo Dhowr Qodob Laga Soo Saarey

1
33

Beelaha_BanaadirigaShir ay isugu yimaadeen Waxgaradka, Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahannada bulshada Banaadiriga ee UK ku nool 25-kii May 2015kii, ayaa la isku dhaafsaday fikrado ku saabsan Maqaamka Magaalo-madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ay yeelanayso.

Dood dheer iyo Falanqayn ayaa Wax-garadka iyo Aqoon-yahannadii ka Qayb-galay kulankaas waxay isla garteen qodobbaadn soo socoda;

1. Muqdisho waa xaruntii Somalia, magaalo madaxdii iyo xudduntii midnimada Ummadda Soomaaliyeed; sidaas darteed waa inaan loo qaadan inay tahay magaalo beel ama si gaar ah loo leeyahay.

2. Maamul kasta oo ka dhisma Muqdisho waa inuu noqdo mid ka Tarjumaya Maqaamkaas Qarameed ee ay huwan tahay magaalada.

3. Waxaan soo Jeedinaynaa in la Tix-geliyo Go’aankii ka soo baxay Guddoonka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee lambarkiisu ahaa 702/3/1/9/15, taariikhdii uu soo baxayna ay ahayd 04/04/2015 oo caddeynaya in go’aan ka gaarista Maqaamka Caasimada la raaco sida uu qabo Qodobka 9-aad ee Dastuurka KMG ah.

4. Waxaan mar labaad Taageersan nahay in aan lagu xad-gudbin Maqaamka uu Dastuurka siinayo magaalo-madaxda Soomaaliya. waxaana baarlamaanka ugu baaqaynaa inuu ka hor-tago, go’aanna kasoo saaro ilaalinta maqaamka Muqdisho, isagoo tix-gelinaaya talo-bixinta dadka Asaloowga ah, ka hor inta aan go’aan loo gudbin hay’adaha dowladda Somalia.

1 COMMENT

  1. Wan sodhawaynaynaa hada nahay dhalin yarida KGS fikirkaka kasobaxay wax garadka sixiah mideeysin ahan uso dhawaynayna ay farxad Ku dhexan tahay

Comments are closed.