Madaxweynaha Dowlada Federalka oo Kulan La Qaatey Madaxweynaha Dalka Neygeeriya

0
41

xasanMadaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu maanta kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyadda Nigeria Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria Mudane Muhammadu Buhari.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyada oo Madaxweynaha Soomaaliya uu warbixin ka siiyey dhiggiisa xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan la dagaallanka Alshabab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay in Madaxweyne Buhari uu booqasho ku imaan doono Soomaaliya si loo joogteeyo iskaashiga labadda Dowladdood.