War Deg Deg Ah Taliye Ku Xigeenka Saldhiga Bolisska ee Degmada Baydhabo oo La Toogtey

0
29

breaking nMagaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa lagu dilay gellinkii dambe ee maanta taliye ku-xigeenka saldhiga booliiska degmada Baydhabo, Caliyow Salaad

Dilkan ayaa waxaa geystay nin ku hubeysanaa bistoolada, kaasoo isla goobta uu ku geystay dilka taliye ku xigeenka lagu toogtay. Iyadoo goobta dilalkani ka dhaceen ay ahayd meel ku dhow Saldhigga Booliiska Baydhabo oo ku yaalla Agagaarka Afar-irdoodka Baydhabo.

Toogashada taliye ku xigeenka booliiska degmada Baydhabo maanta lagu dilay ayaa kusoo beegmaysa iyadoo uu socdo Qorshe lagu bedelayo maamulka heer gobol iyo heer degmo ee hadda jira.

Waxaa maalmihii lasoo dhaafey ka socdey magalada baydhaba dilal qorsheysan oo loo geystey Nabad-doonno ,Culummaa’uddiin, wariye iyo waxgarad kale, iyadoo amniga magaalada uu si aad ah faraha uga sii baxaayo tan iyo intii uu yimid maamulka Shariif Xasan.