Beel waynta Shanta caleemoot Maxaa ka Reebey umada Soomaaliyeet

35
1644

daafeetCabasho badan ay Qabaan Bulshada kala duwan ee beel waynta Shanta caleemoot ayay usoo Gudbiyeen sida soo socota.

1. Beel waynta Shanta caleemoot waxaa lagu qadiyay Tirada Xildhibaanada Qaranka ee ay soo xuleen Odayaasha dhaqanka ee beelaha Soomaalida taasoo ay xuquuq ahaan ulahaayeen 5 Xildhibaan ama 6 xildhibaan meesha laga siiyay 3 xildhibaan maxaa yeelay waa shan (5) Qabiil oo waa wayn Qabiilka ugu yar uu leeyahay 45 Tuulo iyo Caasimad ugaar ah sida. Beesha Erdha waxay leedahay Magaalada iyo 120 Tuulo, Beesha Hubeer Caasimadooda waa Haakawa waxayna leeyihiin 100 tuulo iyo kabadan, Beesha Barbaare caasimadooda waa Dhiigdaare iyo Hero waxayna leeyihiin in kabadan 85 tuulo, Besha Janbaluul Caasimadooda waa Aw usman waxayna leeyihiin in kabadn 98 Tuulo, Beesha Xiifmuge caasimadooda waa Dawanle waxayna leeyihiin 45 tuulo iyo kabadan Marka waa in Beesha ay heshaa Xaqa tirada xildhibaanada ay kuleedahay Dawlada Dhexe ee Soomaaliya taasoo aan laga aqbali doonin Qab qablayaasha Mirifle ee bartay inay Beeshaas gacmaha Qabtaan Dawlad walba oo lasoo dhisaayay ayagoo siinayay qabiil yar oo mirifla ah oo aan lahayn 10 tuulo 3 Xildhibaan meesha beel waynta Shanta caleemoot laga siinayay 3 xildhibaan ayagoo leh 510 tuulo Baaxada Degmadana ee aad uwayntahay taasna maha wax loo dulqaadan doono mardanbe haduu Alle idmo.

2. Beel waynta shanta Qabiil ee Shanta Caleemot waxay xaq uleeyihiin inay Helaan
Wasiir, Wasiir kuxigeen, wasiiru dawle ee dawlada Dhexe.
Ilaa hada inta dawlad ee lasoo dhisay tani bur burkii dawladii Maxamed Siyad bare Beesha ma aysan helin Magaca Wasiir, waxaa soo maray kaliyah Wasiir ku xigeeno aan wasaaradaha tayada leh aan lagaynin waxa loo sababaynayana ay tahay Beesha oon isku xirnayn aqoonyahanadeeda iyo bulshadeeda kala duwan aan xaqoda dhacsan ama raadsan taasina waxaa looga bixi karaa in gacmaha ay isqabsato beesha ay xuquqdeeda raadiso.

3. Beesha waxay kaloo xaq uleedahay inay Hesho Safiir, Qunsul,Maareeye, agaasime, DJ, iyo Maamule Qaybaha Kala duwan ee dawlada sida Madaxtooyada, wasaaraddaha,Kaabayaasha Dhaqaalaha sida Dekadaha, Airportiyada, Ciidamaynta iyo Magacaabista Taliyayaasha Ciidamada kala duwan ee Qalabka sida taasna waxaa lagu gaari garaa Shacabka reer Shanta Caleemoot oo Gacmaha isqabsada oo Raadiya Wadadii lagu heli lahaa Xuquuqaha ka Maqan beesha.

4. Maamulka Koonfur Galbeet oo ka kooban Sedexda Gobal oo kala ah Bay, Bakooli yo Shabeelada Hoose ayaa waxay beesha ka filinaysaa inay ka hesho Xuquuqaheeda oo dhamaystiran sida Xildhibaanada oo lasoo xuli Doono Bacdal Ramadan haduu Alle idmo, Agaasimayaasha wasaaraddaha kala Duwan ee maamulka koonfur Galbeet, taliyayaasha Kala Duwan ee Cidamada Qalabka sida Daraawiishta, Booliska, Nabadsugida iyo Asluubta ilaa hada waxaa lamagacaabay dad badan Degmadana ma aysan ka helin xuquuqdii ay kulaheet Maamuka koonfur Galbeet sidaa darted waxaan rabnaa inaan helno xuquuqdii aan kulahayn Maamulka koonfur Galbeet taasna waxaa lagu heli karaa in si dhab ah loo wada hadlo loona raadsho xuquudaas wada Alaale wadadii ay jirtana laqaado.

5. Beesha waxay kaloo Dagtaa Magaalada Baardheere ee gobalka Gado waxayna kulumisay xaquuq ay kuleedahay Maamulka Juba Land ee Kismaayo, waxaa loo baahayhay inay hesho Beesha xuquuqdii ay kulaheed Maamulka Juba Land ee Degmada Bardheere oo ay beeshu ka degto dhawr tuulo.

F.G. waxaan kula dar daarmayaa Bulshada Qeebaheeda Kala Duwan ee Beel waynta Shanta Caleemoot oo ah shan Qabiil oo waa wayn oo lagu tirsho Qabiilada yar yarka inay katashato aayaheeda ayna u istaagto sidii ay uhormarin laheet Dageenkeeda ayna uheli lahayt wax alaale waxii xaquuq ah ay kulahaayeen dawlada Dhexe iyo Maamulka Koonfur Galbeet iyo kan Juba Landaba.

Diyaariyay Golaha Aqoonyahana Degmada Wanle Weyn

35 COMMENTS

  1. Waxaa qabaa shantacelomd inay kacaan wadada laga so bilabo afgooye ilaa lego inay jaraan si eelayda gaja ugu dhimato aniga waxa fadhina ama aa daganahay mesha ugu muhimsan wlh waxa nahay qabail farbadan waliba hubaysan awodeyna aa tusno hadi kale wanlaweyn waxa lasoo magacabi dona niman u dhashey gabalo kale hadi aan iska qabanin sharif sakin iyo grupkisa digil iyo mirfile aya isla nahay waa dhamatey wadada aya idib galeyna

  2. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Alxamdu lillah,al hiyaaya mina allah,walaalaheyga hadii ay wax ii fahmeen,inta aad sheegteen waa run iyo inkale oo aad sheegi doontaan berito arintaan yey noqonin”doo shan caleemo hor ayaa kiwi wiicha gadaal ayaa kiya yarya”ogaada midnimadiina in ay digil oo dhan xoriyad gaarsiin karto,dib u eega taariikhdiina Aw hawiye neebe,Aw xaaji umarow,ilaa aad ku soo dul istaagtaan halgankii halyey Sheekh Abuukar Sheekh Maxamed Nuur.

  3. Beesha Hubeer ka daa afkaga urayaa 100 tullo ku laha looool yaaskin waad walatay ee calacaalka meesha kala tag maskin minonrity waaxid.

  4. waa Arin farxad galinaysa Bulshada ku nool Degmada Wanle Wein oo ah Bulsho Nabada jecel wxaana soo dhawaynayaa fikradaha la soo qoray oo ah kuwa dhab ah oo lagu xaqiray Degmada uqalanta inay noqoto Gobal.

  5. Fikrad fcn waaye Lkn mirifle waxba idiin kama haleen hadii ay idinka hunguri weynaadaan waa dhaqan soomaali Lkn weyba idin xasuusanyihiin Lkn jubaland meelaha aad ka degantihiin inaad sheegto xataa waa ka cabsatey baardheere keliya ayaa sheegtey aawey dhulkii hubeer ilaa afmadow xagar daciifka walaalkiis ayuu ka adagyahay dagaalkii daafeet laguu difaacaayey caay iyo eelaay aa ladhameeyey ayaad dhahdeen nin soo dhamow hadal markaas

  6. Daafeet ayaaba hada maamul kii afgooye loo sameeyey cml loo soo wadaayee miriflaa nayeeley dhahaa habaaraney badan ayaa la idin soo wadaa

  7. ninka wato halyay hubeyr waxaan kuu sheegaayaa hubeyrka asagaaba minority ah shancaleemoot waala yaqaan hubeyrku inuu yahay jufada ugu yar oo dege toolooyinka hoos yimaad degmada w/weyn sxb somali maxamed wey ogtahay taariikh w/weyn dadka dega iney ahaayeen dadkii furay jaamacada baardheere oo somalida meesha ay inta badan culuumta diiniga ay ka barteen iney aheyd hadaad sii daba gasho isla baardheere ayagaa ka dhigay magaalo sxb waa taariikh aad u fog dadkaas oo dhan waxaa lagu tiriyaa IRDHAHA

  8. Hada mawaxaad isku raacdeen qaaDico Dariiq nimo mise wad ka le xaqeena aad ku raaDisaan muxuw yahay muwqifkiina cadee sta ujeedka lagaleeyahay maamuladaan la dhisaayo mid aad fahmi Karltaana ma aha meesha aad fiiriniysaa toolooyin la tirinaayo &wada aan gooyno eelaayda habaabadee waxaas oo dhan waa laga feecanyahay idinka &ayagaba xaq allaha garad siiyo aamiin aamiin

  9. Moge cadi iska dhik wax walan aya tahe shancelemod waxa ugu tira bidan hubeer xaqiqda marka laga hadlo waxa kuso xiga erdhe mana isku dhigman hubeer iyo erdhe isku tiro iyo islu tayo ma ahan hubeer la aatisa shancalemod waxba socon mayan dabaal aya tahay wanlawey ya dhisey waa hubeer hantida magalada ya iska leh waa hubeer waxa aminsanahay shantacelod qabailada kale hade isaso racan huber inay iska celi karin marka xasidnimada iyo waxa lojogin mesha ka daya wax idinka manority ah mahiro aniga inta tulo aa lenahay waa soo tiri karna wey ka badanyihin 200 idinka kuwina soo tiriya erdhe sixir moye wax kale mayaqan run hada shegaysin wanlaweyn xur ka dhiga waligina anaga aya idin difaci jirney wagi gaaljeceyl magalada idin ka qabdanayey yaa idinka celiya anaga aya idinka celiney gaaljeceyl waxa bursaney ila jirakulow tuloyinkoda xata huber aya gubey marka waxba idkama celi kartin afar aya tihin iska amusa

  10. Walaalayaal waxaa laga yaabaa in qof asagoo hubin Tuulooyinka waxuuna badanaa uqoray in kabadan marka dhaxdeena yaan isku mashquulin ee waxii maqan hala raadiyo

  11. Asc Dhamaan walaalahaa Degan degmada Wanle weyn waxaa laga yaabaa qoraalkan in loo soo qoraay statistic ahaan oon lahubin inta tuulo ay deegmada ka koobantahay iyo sida loo kala daganyahay laakiin waxaa muhiim ah inaan soo dhicino xaqii ka maqnaa beesha Shanta caleemood oo h beelo waa wayn oo shan qabiil ah marka walaalkay halyay huber iyo moge yaanan anaga isku mashquulin ee hala raadiyo xaqa nagamaqan.

  12. waxaan leeyahay bani aadanka dhan madhamaystirna qofka ama dadka soo qoray qoraakan waa ay dadaaleen balse waa bani aadaan inay wax qaldeena laga yaabo waxna iloobeen sidaa walaalkay abdi uu sheegay jubaland beesha waxay kadagtaa meelo badan walaalaheen Mirifana lama caayin ee waa naga hunguri badsaddeeen taasna waa laga heshiin karaa marka walaalaha waxaan leeyahay waxa hala saxo halays xasuusiyo sida beesha Hubeeer oo meelo badan kadagta Jubaland beesha erdho iyo Jaanbaluul oo ayagana wax kadagan baarddheere iyo waxii kaloo laxasuusneen ma fiicna afagaadada iyo kala qub qubnaanta waxaan idin kula dar daarmayaa adinkaaba wax faraha kuhayn goormaatt xifaaltamaysaan horta adinka dad noqda kadib xisaabtama.

  13. Qofka wata shabellaha hoose daanyeer baatahayeelay afkaga kadaa habar gidir iska celi anshuur kaqadata wanle marka habaareney iyo geeljecel iska dhicisid eelay wax ka sheeg dameeryaw afka uraya wado aad xirikarta iska yer eelay waa tan hada habaareney kaa difaaceyso marwalbo maatiyahow afka uraya soo cadeyso horta

  14. Hadaa hakani miyaa warkiina, intee jirteen sanadahaan oo dhan ma hurdaysen mise waa yaab waa ayaan maqli jiray shanta libaax kadib Halyay Sheekh Abukar iyo dhalinyaradii halgalkanka kujirtay la waayay libaaxyadii bisad miyay noqdeen waxaan idin dhihi lahaa hadadan ficil wax uqabanayn hadal haisku daalinina hurdada ka kaca Shanta ha noolaaato.

  15. waxaan ujawaabayaa qoraalada kala duwan, magaca Shabellada Hoose eelay caayin maha waa Qabiil rahawein kamid ah uu buur dagta baahina laguma dili karo hortaa dad xoog isbiday oo salbalaar sheegtay jidka xiri waayay oo baahi kudili waayay ee waa walaalahaa waxaad lafa dhiisan kartaa miiska wada hadalka, east afro Shanta caleemo waa dad dagaal yahan ah oo dhawr dagaal soo galay intaan reiwin dagaalamin dagaalamaayay waa dad Habaaranay iska celiyay iyo Gaaljecel intuba Shabellada Hoose: beesha Hubeer waxay lahaan karaan 200 tuulo kabadan maxaa yeelay dhulka waa uu banaanyah oo waxay samayn karaan 100 tuulo kale marka ayadaaba la ogaan doona waxaas ee caadi iska dhiga akhyaarta.

  16. Asc 1=marka hore waxan raba inankaxadlo magaca eelay eeleydu wabeelkamid ah D&M wakhtigan dambe waxey nogotey ay ooloadegsado dadka kuxadla afka maayga2=waxanidinshegeya inaydan wadada kaxiri karin 3=waxan idin leyaxay gabilka &gurinkisa ikadaya nogda dadwaal ah oo adowgooda halmeeluga so wadajestaa waxan ilaheykabariyeyna in hoganka noogadhiibo kan noogu kherka badan aan noogudhiibin kan inooshartabadan

  17. shabeelaha hoose wiilka wata adiga REALISTICA mahid si qaldan ayaa ii fahantay shancaleemot marki la soo hadal qaado caadifad yee ku galin waxaat sheegtay oo dhan waa halgan been ah magaaladaas yaa dega leeskuma haysto ee halganka beenta jooji hada ayaan rabnaa inaan xuquuqdaadii luntay in dib loo raadiyo ee comment gaaga xoogaa yara siyaasadeey sxb somali maxamed baa og W/WEIN waa meel aad u dad badan haba lagu kala badnaadee niyadaada waxba ha raa raacin

  18. east afro sxb shabeelaha hoose aan difaacay waxba ha u oran somali wey idiin ogtahay hadaa tihiin reer mirifleh meeshuu halgangiina ku ekaa waala ogaa jameecada masoo dhaafin xitaa taako ka mid ah dhulka beelaha shancaleemoot ma soo gaarin dadkaasi waat ogtihiin iney waxtar galaan oo aan cadawgooda biya u kaban mataqaan warta daauud buule ee duleedka magaalada W/WEIN waa meeshii GEN CEYDIID ee ku badbaadiyeen geesiyaashii ka xureeyay 1992dii deegaankooda cadawga ku soo duulay xiligaas

  19. waxaa jirta maah maahyo lagu yaqaan Beelaha Shanta Caleemoot waana Taliye Erdha, Tacbade Hubeer iyo kuwa kale oo qabiilada kale leh marka waxaa laga fahmi karaa warkaas ninkii geesi ah ama wax iska dhicin jiray walaalkay Shabeelada Hoose magaciisa waan wada dhasheen Erdha iyo hubeer hada waa isku dan marka yaanan isku faanini aan raadino waxii inaga maqn intuu midba midka kale fiirinaayo ayaa kaqaadnayaa waxaan laheen waad mahadsantihiin.

  20. Ninka wata Shabelaha hose ayan U jawaba
    Sxb waxan ku leyahy marka hore waxad U gaftay
    Beelweynta Mirifle AMA Eelay ugu yeer AMA Raxweyn waxa donto wa inad rali galin ka bixisa

    Wado inad ka xirti is ka daye
    Wanlaweyn la antido kuma nolaten sidi Alibestenka
    Ayad durka kujiri laheyd degankagana ragi haystay
    Ee canshurta ka aruursanayay adigana beeraha kugu falanayay wa kuwi ka dhici Ee kuxureey

    Awalkoda waxad ka dhigtay inad waxan lo bahne iyo Hadalo raqis ah (Eyga aya lagu oga awal darada welku wax kucuno inu ku kadiyo adigana waxba ma dhantid sxb)

    Calan calka iska da nin rag ma calan cale
    Faharaha halagu arko adigo bonti 5 ah ayan kur kuso qadnay wasir adan U qalmina ku dhibnay
    Waxa kaweyn ad radineyso maxay tahy Walaweyntada wad dhex jogto laguguma haysto
    Wixi ku xogi rabo wan ka dhicineyna kuguma deysaneyno.

    Ee ku kalsonow degmada berahagana tabco sxb

  21. waryaada heedhaha caayda maad iska deeysaan maxaa idinku dhacay war xaqiina dhacsada marka hore markii hore xaqiina qof ayaa idin soo dhicin jiray waa nin layiqaano dal iyo dibadba laga garanayo waa nin caan ah waa nin halyeey ah magiciisana hadii aan idin sheego waxaa idinka mudanyahay salan sare in loo saaro SH ABUUKAR SHEMANUUR masha,allah magac maskiin kama ahan waa ninkii geesiga ahaa oo idin difaaci jiray oo hada yaa idin difaacaayo ii sheega SHARIIF SAKIIN maa idin difaacaayo eeybaa idin dhalee dhamaangtiinaba ii sheega yaa idin difaacaayo nacalaa idinku taalee hasan sh mahamuud maa idin difaacaayo ii sheeg doonfaariyaal baa tihiin ii sheega yaa idin difaacaayo brack obama maa idin difaacaayo baastiriin baa tihiinee halyeyga geesiga ahaa SH ABUUKAR SHEMANUUR idinka ayaa gacantiina ku dilay asigoo idin difaacaayo cadowga idinka dhicinaayo wadan jaceyl iyo dad jaceyl asiga ku jirto ayuu idin dadaalaayey idinka ayaa usawab ah dhimashidiisa sagaal doonfaar baa idin dhashay shanta caleemood wax nool matihiin dad dhintay ayaad tihiin geesigii halyeeyga ahaa hadiiba aad disheen maxaa kaloo idin dhiman kaliya waxaa idin dhiman in aad gacmaha jijimo aad gashataan ka dibna SHARIIF SAKIIN idin naageesto intaas ayaa idin dhiman oo kaliya safaaradiin cuna wariyaa naago ayaa tihiin obaama ha idin naageestee utaga waxan ku doodeysiin waxan loo fadhinin tuulooyin xun xun waxas wax lisku caayo miyaa aabihiina wasa walaahi baas baan idinku jeexayaa shanta caleemood dhamaantiinaba intaad cadowga iska dhicin laheeydeen idinka dhaxdiina ayaa isku mashquulaayo reer baadiyaal ayaa tihiin waligiin ma ilbaxeysiin saan ayaad isku cuneysiin eeybaa idin dhalay wariyaa wax isku tara oo wax qabsada xaqiina soo dhacsada

  22. Ninka arlaadi wata sxb shanta mahan digilka kale shanta ilaa qoryoolay ayay kasoo dagaalantay balse waxaa kucan sayray mirifle tuugsade oo laaluush qaate ahaaa halgankana ayagaa bajiyay si ay ugumaystaan digilka marka anagaa idin xoraynay iyo waxaan loo joogin kala tag meesha waa naqaanaa mirifle waxay yihiin iyo waxay galaan

  23. Anigoo ka soo jedo dakmada walaweyn waxa idin lee yahay siya siinta dakmada ka soo jedan hadii waxa isku dhebayno qaf waxa qabad leh in la siyo waxa qabadka dakmada sida maxamed siidow iyo dad badan hada soo koobi karen

  24. qofka wata arlaadi waxaan kuu sheegaayaa ninka wata shabeelaha hoose kama nasab fiicnid waxa leesku haysto waa siyaasad ee arinta hadeey gaartay nasab waa run eelay waat tihiin waana nasabkiina haka xanaaqin lakin adiga nin dhashay oo 5caleemoot ah weliba hubeyr ah ayaa leedahay bon bon waxaa loogu yeeraa qof nasabkiisa dhimanyahay dadka 5caleemoodka ah aad bon leedahay waa dad abaar hadey dhacdo dhulkooda ku nool taasne somali oo dhan baa og meeshaane waxaa la doonaa 5 qabiil oo waa ween in lagu mideeyo oo leesku baro

  25. cali ibrahim cabdi wax kuwaas dhaama nuuma haysiin miyaa maxamed siidoow wax ma maareen karyaa dadkii waxbartay ee qurbaha ka tagay waad diideen

  26. sxb Moge waxaan kuu sheegayaa qofka Magalada ubadnaa oo dadkana sifiican ukala yaqaan ayaa loo dooran karaa Gudoomiye nin qurbaha joogay oo aqoon fiican degmada ulahayn ma maamuli karo ilaa voteka lga garayo qof yqaan Degmada ayaa kufiican waqti xadirkaan Maxamed Siidaw ayaa kabixi kara kaliyah

  27. Degmada waxay ubahantahay Aqoonyahano Geesi ah oo aqoon uleh Maamulida iska celin karana waxa ku soo jeeda Degmada Marka Waxaan leeyahay Aqoonyahanada ka qayb Qaata Maamulada La Magacaabi rabo ha Cabsanina ee Degmadiina udhinta

  28. asc dhamaan waxan salaamayaa baxada ku xiran wabsedka gaar ahaan umada ku cabtirsata digil iyo mirifle salan kadib shan caleemoot iyo waxan loo joogin haku mashquuline aan kawada had
    alno war sideee umadaaan hurdeeyso sidee hurdada looga soo kiciyaaa iyo sidee dadka dhuuna raacyaalka eh umadaan hormuudka u eh mar walba caadiyeystay iney gataan dhulkooda looga qabtaa war umadan malahan miyaa dad qadyad leh oo hugaankooda qabta marka haku mashquulina eeelaay iyo hubeer iyo erdho war u istaaga sida umadaan iyo dhulkooda lahu badbaadin lahaa .

  29. Wanle iyo warmuusoow warkaaga aad ayuu ufiicanyahay waxaa lagu qaban karaa dadkaan qaa imiinta ah sida Macalin jiis iyo rag kaloo badan aan wax qadiyad lahayn calooshoot ushaqaystayaal ah inaan anaga oo dhan noqono ciidan hadii kale warlee kujiree saan hala yeelo iyo calaacal waxaan loo joogin marka Ciidanka aan galno dhalinyarada Degmada joogta hala ciidameeyo mardhaw isbadal ayaa imaanaya Degmada Haduu Alle idmo Maamulka cusub halala Shaqeeyo waad mahadsantihiin.

  30. dadka magaalada hadeyba maxamed siidoow c/raxman ay ku qanacsanyihiin ma xuma lakin waxaan maqlay dad leh mas uuliyadiisa ma fiicno xajigaaa ka fiican WALHU ACLAM ku dambaabi maynee ALLAHA U FUDUDEEYO WALAALKEENA dadka deegaan ayagaaba kala keeda xaqiiqda

  31. Moge Qof Alaale qofkii ilaahay calaf uga dara in lamagacaabo waxay kurantahay inuu Maamulkiisa miro dhalmada Degan haday la shaqeeyaan Maamulkooda waa uu socon karaa Marka hadii layiraahdo yaa lamagacaabay Hibil reerkayga mahan hadii gacanta laga laabto maxuu qaban karaa qofkaas aqoon walba uu leeyahay xataa waa maya Hada waxaa saas ku fashilmay Geesi Halyay Isaq Maama Caliyaw oo mudan in laxusu sida Geesinimada leh uu uga dhiidhiyay kooxda dhulboobka rabtay inay Maamulka ka mid noqoto ayagoo waxba kulahayn Degmada Wanle weyn oo ka cayriyay Degmada Waa Geesi laakiin aqoontii ayaa kuyaraatay Dadkiisana lama Shaqayn Dadka qaarkoot ayaaba waxay dhaheen hadaan askar keeno isak Maama ayaa wax noqonaaya macnaha isaq mama ayaa awood dhalaaya marka dadaka Daafeet Degan waa noocaas Marka waxaan ku dar daarmayaa in lala shaqeeyo cid alaale cidii noqoto Maamulka Degmada oo ah Beelaha Shanta caleemoot Maxaa yeelay qofkaan Bari ayuu Kadagi karaa adiga ayaa kori kara ee wada shaqayno walaalayaal.

Comments are closed.