Taliyihii Ciidamada Nabadsugida degmada Afgooye oo ay Ciidamada Dowlada ku dileen Mareereey

6
79

wreWararka ka imaanaya degmada Afgooye gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxay ku waramayaan in ALLAH ha u naxariistii Liibaan Abiikar Yusuf (YuuYuu) Taliyihii Ciidamada Nabadsugida degmada Afgooye ay Ciidamada Milaraga(Maleeshiyada beesha Abgaal ee loogu soo labisay tuutaha ciidanka Xooga dalka) ku dileen Tuulada Mareereey oo qiyaastii 5KM u jirta degmada Afgooye gobolka Shabeelaha hoose.

Wararka horudhaca ah ee laga helayo dilka ay ciidamada Dowlada (Maleeshiyada beesha Abgaal ee loogu soo labisay tuutaha ciidanka Xooga dalka) u gaysteen Liibaan Abiikar Yuusuf (YuuYuu) Taliyihii Ciidamada Nabadsugida degmada ayaa ku waramaya in Taliyaha uu kormeer hawleed ku gaaray tuulada Mareereey galabnimadii Shalay halkaasi oo lagu sheegay in maleeshiyo ka tirsan Xarada Shabaab lagu arkay deegaan hoos taga tuulada Mareereey,Taliyaha iyo ciidamadii ilaalada ahaa ee lasocday ayaa gaaray goobta lagu sheegay maleeshiyaadka Shabaab iyagoo waxba ku soo arkina ayay kasoo laabteen waxayna kusoo socdeen degmada Afgooye kadibna waxay istaageen bar kontorool oo ay ciidamada Dowlada ku lahaayeen tuulada Mareeyeey kadibna waxaa si ula kac ah ciidamada Dowladu ay u rasaaseeyeen gaarigii taliyaha waxaana halkaasi ka dhashay dhaawac soo gaaray Taliyaha iyo laba kamid ah ilaaladiisa oo sedexduba mar danbe loola cararay Cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho halkaasina uu ku geeriyooday ALLAH ha u naxariistee Liibaan Abiikar Yuusuf(YuuYuu)Taliyihii Ciidamada Nabadsugida degmada Afgooye halka labadii waardiye ee la socodayna ay dhaawac culus yihiin welina ay yaalaan Cisbitaal Madiina magaalada Muqdisho.

Goobjooge ku sugnaa goobta oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa Daafeet.com waxa uu uga waramay waxa dhacay waxa uuna sheegay in Taliyaha markii hore uu si nabadgelyo ah ku maray wadada soo laabashadiisana rasaasta laga horgeeyay iyadoo kooxda rasaaseysay ay ogaal u lahaayeen in gaariga uu ahaa gaariga taliyaha islamarkaana uu saaran yahay marka waxaan dhihi karaa ku talagal ayaa loo dilay laakiin Anigu sababta loo dilay ma kasi karo ayuu sii raaciyay warkiis.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ay ciidamada Dowlada(Maleeshiyada beesha Abgaal ee loogu soo labisay tuutaha ciidanka Xooga dalka) ee ku sugan wadada u dhexeysa degmooyinka Afgooye iyo Awdheegle ay dad rayid ah iyo mas’uuliyiinba ku dilaan wadadaas iyagoo inta badan dilka u gaysta sababo la xiriira lacagaha baada ah(Isbaaro) ee ay ka qaadaan Rakaabka iyo Gawaarida intaba.

6 COMMENTS

  1. Allaha u Naxariisto Taliyihii Nabadsugida Degmada Afgooye, Taliye Liibaan Abiikar “Yuu-Yuu”
    Liibaan ayaa Special Operation kasoo fuliyey Tuulada Aw-Diinle oo kudhow Tuulooyinka Sawiib iyo Caanoole, wuxuuna kusoo qabtey sarkaal sare oo katirsan Xarakada Al-Shabaab, hase yeeshee Xarakada Shabaab oo xariir dhow la leh Maleeshiyo katirsan Beesha Mudulood iskuna Magacaaba iney yihiin Guuto 5-aad ayaa amrey iney Qaarajinaan Taliye Liibaan, Guuto 5-aad Maleeshiya waa fuliyeen amarkii Al-Shabaab, Taliyaha dhaawicii soo gaarey ayuu caawa ugu geeriyoodey Magaalada Muqdisho, Sarkaalkii Shabaabka ahaa waxaa gacanta kudhigey Maleeshiyadii Guuto 5-aad ee Beesha Sh/dhexe kayimid, waana sii daayeen, arrintaan waxay Fadeexad Waji-gabax ah kutahay waxa loogu yeero Ciidanka Xooga Dalka oo kusoo uruurey iney isbaaro u dhigtaan Shacabka kunool Sh/hoose, isla markaana kuhaya Gobalka Dil, Dhac iyo Kufsi…

    waa sidaas sida loo galo shaqsi kasta oo u dhashey Gobalka Sh/hoose.

  2. Asc waxaan leeyahay waakutalaga dilka taliyaha dekmada afgooye waxaan Kula taliniyaa maamulka koonfar galbeed inaay sameeyso ciidamo oo gobolka udhashay oo suga amniga gobolka kana saarto maleeshi beeleedka abgaal oo tutaha looga soo labisay iyo wixii ayaga lamidah

  3. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Afgoyow cade adiga amaanaayey ee tunka kuu saaran yihiin hadii ay wanaag leeyihiin waa kuwaan ee ka xaaxaabi.

  4. Inaalililahi wait Inaa Ileyhi rajicun ALLAH ha u naxristo Geesi ma soo jeeste ah Aya tuugo xaq daro ah ku dilen asigo difacaya dadkisa iyo dhulkisa. Tan labad shacabka reer afgoye midowa oo dhulka cadowga ad sisen dhib ma idinka deynayane maxaa talo ah? Meeshan dowlo qabil ah aya jirte maad ayahin u tashatan sidan Hal ma ahan ee bulshada ku dhaqan gudaha iyo dibada ee qowmiyada reer Afgoye waa in fadhi dhab laga yesha arinta wan cadaalada lala tiig sada dhagar qabayasha dilkan foosha xun geystay.

  5. awdigil asagaa duliga doortay cidina kama hadal iyo tiro badna ama wax iska dhiciya ama aamusa

  6. Asc In naa ilillaah wa innaa ileehi raajucuun marka hore aad ayaan ugu xumahay dilka loow geystay talyaha ciidanka nabad sugida dagmada afgooye marxuun liibaan abiikar yuusuf cumar nuure alla yaraxma mida xigto dowlada fadaraalka aad iyo aad ayaan ucabbaareynayaa waayo tv ga qaranka xitaa kama soo deen dilka talyaha mida labaad illaa hada wax kama qaban sabab mida kale koonfur galbeed ayadane illaa hada wax kama qaban marka beesha abgaal ayada maana leh mise beer ayada tacbatay ayaa nahay reer afgooye waxaan leeyahay aan sameeno mudaharaad loogu

Comments are closed.