Madaxa Midowga Africa ee Amisom oo OO Dafirey Ineysan Ka Dhiman Ciidanka Badan ee La Sheegayo

0
27

amisomMadaxa midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in wax saameyn ah aynaan ku yeelan doonin shaqada ay ka hayaan Soomaaliya dagaallo qaraar oo ka dhacay deegaanka Leego kuwaasoo AMISOM ay kula gashay Xarakada ALshabaab.

Moman Sidik ayaa dafiray in tiro badan oo ciidamo ah ay kaga dhinteen dagaalada Leego balse ma uusan carrabaabin khasaaraha rasmiga ah gaar ahaan dhimashada inta ay la eg tahay.

Xaaladda ayaa yara kacsan weli saaka, waxaana la dareemayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan ciidanka AMISOM iyo kuwa Xarakada Alshabaab.

Weerar kale ayaa sidoo kale ka dhacay duleedka Leego kadib markii Alshabaab ay wadada u galeen kolonyo AMISOM ah oo ka soo baxday Beli-doogle kuwaasoo gurmad ahaan ugu socday deegaanka Leego.