Maamulka Ahlusna oo Si Buuxda Uga Soo Horjeestey Doorashadii Gudomiyaha Barlamanka Gobolada Dhexe

0
23

ahlusunaMaamulka Ahlusuna ee goballada dhexe ayaa si buuxda uga horyimid doorashadii guddoomiyaha iyo ku xigeennada Golaha Baarlamaanka Galmudug ee shalay ka dhacay Cadaado.

Gudoomiyaha Talada Ahlusunna, Sh. Cumar Sh. C/qaadir Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in doorashadii shalay ay ahayd mid nasiib-darro ah, isla markaana aan loo dhameyn.

Shirka Cadaado wixii kasoo baxay annaga shaqo kuma lihin,” ayuu yiri Sheekh Cumar. Sidoo kale, guddoomiyaha Ahlusunna ayaa ku eedeeyay dowladda Somalia inay afduubtay shirkaas, ayna la wareegeen xuquuqdii ay lahaayeen dadka deegaannada maamulka loo sameynayo.

Ugu dambeyn, Sheekh Cumar Sh. C/qaadir ayaa sheegay in arrinta kale ee ay sida aadka ah uga soo horjeedaan ay tahay in beel-beel loo Qayb-saday Maamulka Gal-mudug ee lagu dhisay cadaado.