Ciidamada Amisom ee Shaley La Wareegey Deegaanka Leego Ayaa La Sheegayaa Iney Hadana Isaga Bexeen

0
28

amisomCiidanka Midowga Afrika ee Amisom oo Axadii shalay ahayd dib ula wareegay gacan ku haynta Deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa la soo sheegayaa inay dib kaga baxeen deegaankaasi mar kale.

Lama garanaayo waxa keenay inay Ciidamada AMISOM dib u soo baneeyaan Deegaankaasi, ha yeeshee waxaa jira warar sheegaaya in Shabaabku ay soo galeen goobo, aanu sidaasi kaga fogayn Leego.

Saraakiisha AMISOM iyo Dowladda, ayaan wax war ahi ka soo saarin tallaabada ay kaga soo gurteen Deegaanka Leego,

Hase ahaate, ka bixitanka ayaa lagu micneeyay in Al-shabab ay Miinooyin ay ku aaseen deegaanka Leega taas oo keentay in ciidmada AMISOM xaalada malatari ay markale eey isaga baxeen