Xeradii Leego ee Laga Ceyrsadey Ciidanka Burundi oo Maanta Tegey Ciidan Itoobiyaan Ah

0
24

DagaalCiidamada Itoobiyanka ee Qaybta ka ah AMISOM ayaa la Wareegay Saldhiggii Ciidamada Burundi lagu Weeraray Jimcihii lasoo dhaafay ee Deegaanka Leego, Halkaasoo lagu dilay in ka badan 50 ka mid ah Askarta ka socda Dalka Burundi ee ka tirsan AMISOM.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya markii ay tagayeen deegaanka Leego oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose aysan joogin inta badan shacabkii ku Noolaa, kuwaasoo barakacay markii Al-shabaab ay weerartay xeradaas.

Ciidamada Itoobiya ee la wareegay saldhigga ay AMISOM ku leedahay deegaanka Leego ayaa Waxay kusoo beegmaysaa Xilli shalay ay mar kale Ciidamadii dalka Burundi oo dib ugu laabtay xerada ay isaga baxeen, taasoo lagu sheegay inay tahay xeelad dagaal.

Taliska AMISOM ayaan weli ka hadlin isbedelka ciidamada kawada tirsan AMISOM ee Dalalka Itoobiya iyo Burundi, iyadoo la Xusuusto in Xoogag ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada Itoobiya ay toddobaadkii hore ku dagaallameen Jameecada oo ka tirsan Gobolka Bay.