Ciidamada Amisom oo Maanta Isaga Baxay Degmada Awdheegle

0
24

amisomWararka aynu ka heleyno Gobalka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ay Faarujiyeen Deegaanka Aw-dheegle ee gobalkaas, halkaasoo ay dib ugu laabteen kaddib markii ay Al-shabaab laba jeer oo isku xigta weerareen degmadaas bishii lasoo dhaafay.

Taliyaha Booliiska degmada Aw-dheegle, Xasan Salaad ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamada AMISOM aysan ku war-gelin markii ay deegaanka ka baxayeen, lana arkay oo keliya iyagoo guuraya.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa Tilmaamay in hadda Amniga Deegaanka ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Somalia, inkastoo uusan bixin faahfaahin intaas ka badan oo ku saabsan xaaladda degmada ka jirta.

Si kastaba arintu ha ahaatee ka bixitaanka ay ciidama amisom ka baxeen ayaan aheyn kii ugu horeeyey oo ay sameeyaan xili laga joogo bil iyo bar ayey ka baxeen oo ay dib ugu laabteen ayadoon la ogeyn sababta keentey in ay ka baxaan.