Dad kor u Dhaafey 3500 oo Kasoo cararey Dagaalada Ka Socda Dalka Yemen oo Soo Gaarey Dekeda Bosaaso

0
22

yemenMarkab oo nooca xamuulka qaada ayaa gelinkii dambe ee shaley waxa uu ku soo xirtay Dekeda Magaalada Boosaaso markabkaasi oo ay la socdeen in ka badan qoxooti oo kasoo cararey dagaalada ka socda dalka yemen.

Dadka saarnaa markabka, ayaa isugu jira carruur, ciroole, haween iyo ragba, waxaa kaloo dadkaasi ku jiray dad xanuunsan, oo lagula cararay goobaha caafimaadka ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Gudaha Maamulka goboleedka Puntland C/laahi Xaashi Warsame (Qoobdeero), ayaa sheegay in si wanaagsan loogu gurmaday dadkii la socday markabka.

Dadka soo gaaray Dekeda Boosaaso ayaa u badnaa Soomaali waxaa kaloo markabkaas la socda dad u dhashey dalka yeman iyo qaar kaloo u dhashey wadamo kale.

Si kastaba arintu ha ahaatee ma aha markii ugu horeysey oo ay maraabkiibtan soo gaaraan xeebaha dalka somaliya dhowr jeer oo hore ayey kusoo xirteen xeebaha dalka somaliya ayagoo sidey dad kasoo cararey dagaalada ka socda dalka yemen.