Degmada Baraawe oo Noqotey Degmo Dadkeeda Laga Ganacsado

9
48

baraweWararka inaga soo gaaraya Degmada Baraawe ee gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in halkaas laga bilaabey ka ganacsiga Shacabka gaar ahaan kuwa dibada kayimaada iyadoo qofkii dibada ka yimaada laga qaadayo Lacag dhan $1,000 Kun Dollar, halka Dadka ganacsatada laga qaadayo qofkiiba $500 halka dadka caadiga ee la qabsadana laga qaado 250.

Dadka deegaanka oo aan wax ka weydiiney arintan ayaa inoo xaqiijiyey iney dhacaan ay wadaan Guddoomiye kuxigeenka Amniga Degmada Baraawe Bashiir Maxamed Yuusuf oo Abgaal ah iyo Guddoomiye kuxigeenka Amniga Gobalka Cali Nuurre Maxamed oo Ceyr ah.

Arimaha ka gacansiga dadka ayaan aheyn wax ku cusub gobolka shabeelaha hoose, isla dadka ka gacansanaya dadka ayaa waxaa ay ahaayeen kuwii dadka ka iibin jirey biyaha webiga isla markaana beeraha dadka deegaan ku daaqasan jirey xoolahooda.

Dhacdooyinka murugada leh ee kusoo badanaya gobolka shabeelaha hoose ayaa ilaa iyo hada waxaan jirin cid masuul sheegata oo ka hadashey ha noqoto maamulka shariif xasan iyo midka dowlada federalka taasina wexey cadeyneysaa in dhamaantood ay ku hishiiyeen in dadka la gumaado.

9 COMMENTS

  1. Waxaa wanaagsan in xaqiiqda umada loo sheego wax walibaiwaliba in tilmaan been laga bixiyo manan Arag Barawe Aniga waan ku dhashay oo USA ayaan ka imid mana Arag Iibsiga iyo Dadka La Kala Gadanayo way jirtaa inuu maamulka week yahay lakiinse ma aanan arag waxa ku Qoran Bogan Dad La kala iibsanayoe

  2. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Ka ganacsiga dadka in aad ka sheegteen gobolka shabeelaha hoose wuu ku siman yahay laba bil ka hor waxaa gurigiisa lagala baxay Suldaan sheekh Awow mahamed Nuur oo ah Suldaanka beesha Darbane Duube Digil ayna ka qaadeen lacago madax furasho ah kuwa aad kor ku soo sheegteen iyo kuwo daba dhilif u ah balse waxaan aminsanay in ay soo af jarmi doonto goor aan fogeyn.

  3. Arrinka aad maqaankan ku xustay wa arrin la filaayey, maxaa yeelay haddii aad Durwa (Waraabe) aad hilib ku raratid hogaankiisana aad ka dhigto sarsar, hilibka iyo hogaankaba wu kaa cuni.
    Tani waxaa ka daran waxaa soo socoda.

    Rood Alla ha keeno.

  4. A/C
    Dadka waxaa laga qadaaa $100 hadii dibadda ay ka imaadaan waxaana arinkaan soo hindisay Cabdullahi Xalane insha Allah haranti Ayaan kkaga sarena mar dhow wax walba waa inoo diyaar

  5. Arinkaan aad ka hadasheen waa fudeed sida looga baxo, kaliya waxay ubaahan tahay isku duubni oo ah qofka gobolka udhashey ee diyaarka u ah inuu ka jawaabo ama uu la galo ama kula jira dagaal ka dhan ah qoladaan dhiig miiratada ah waa inaad garab istaagtaan codkiinana ku biirisaan si loo helo nabad waarta iyo cadaalad, tuugadaan ku magacaaban xilalka been abuurka ah aana deegaan ku laheyn gobolka sida habar waalan iyo abgaal dameere, waxaan warkey ku soo gunaanudayaa hala taageero cid alle ama qabiil kasto deegaanka ka mid ah oo udiyaar ah inuu ka dhiciyo gobolkaan tuugada isu soo baheysatey si loo helo nabad iyo cadaalad iyo kala dambeyn, wabillaahi toofiiq

  6. Fadhi ku dirirka iska dhafa haddi ad run qabta
    Nakena dadka an dulmiga ka kor qadne
    Hadi kale hadalka badan iska dhafa an sugno
    Inti marakib lagu qadayo dadka dhulka leh oo
    Iibgeyo suuqyada Europe iyo U.S oo falan beeraha
    Cadanka waad tashan weyden ee waa la idin doona
    Ha deg degin dhulka dadka leh ma tihin waa la nidinku qaldamay dhulkana uma qalantin
    Hadi aad tihin digil iyo darbane iyo jankinaba

  7. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Darbane duube digil dalka ayuu u dhashey isaga ayaa iska leh goor aan fogeyn wuu xoreyn doonaa dalkiisa.

Comments are closed.