Cabdikariin Guuleed oo Ku Guuleystey Xilka Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug

0
23

gudahaCabdikariin Xuseen Guuleed oo ka mid ahaa Murashaxiintii u tartamayay doorashada madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug ayaa si rasmi ah ugu guuleystay xilkaas, kaddib markii uu wareeggii saddexaad ee doorashada kaga guuleystay murashaxiin ay isku soo hareen oo ahaa Axmed Macallin Fiqi.

Cabdikariin Xuseen ayaa helay codadka 49-xildhibaan, halka murashaxa la Tartamayay uu isna helay codadka 40-xildhibaan oo ka mid ahaa xubnihii codadkooda dhiibtay.

Natiijada doorashada madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha baarlamaanka maamul goboleedka Galmudug, isagoo xusay in C/kraiin Xuseen Guuleed uu kusoo baxay doorashada madaxnimo ee maamulka Galmudug, kaddib markii uu helay 49-cod.

Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa waxaa ku tartamayay 6-murashax, kuwaasoo saddex ka mid ah ay ku hareen wareeggii koowaad, halka murashaxa kale uu ku haray wareeggii labaad iyo murashaxii u darmeeyay oo ku haray wareegga saddexaad oo ahaa kii ugu dambeeyay.

C/kariin Guuleed ayaa lagu dhaariyay isla goobta doorashadu ka dhacday ayaa hadal uu dhaarinta kaddib jeediyay baaqyo ugu kala diray maamulka Puntland iyo kan Ahlusunna Waljamaaca.