Ciidamada Alshabab oo Caawa Gudaha u Galey Degmada Wanleweyn iyo Maleeshiyaadkii Meesha Ku Sugnaa oo kala Cararey

0
54

alshabaXoogagga Al-shabaab ayaa lasoo Sheegay inay Caawa Weerar culus ku qaadeen Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Wanlaweyn ay sheegeen inay Maqlayaan rasaas culus oo magaalada Gudaheeda ka dhacaysa.

Maleeshiyaadkii ku suganaa Degmadaas ayaa la sheegay in intooda badan ay galaan saldhigyo ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin degmadaas; iyadoo aan la ogeyn in ciidamada AMISOM ay dagaalka galeen iyo in kale.

Illaa hadda ma jiro war arrintan ku saabsan oo kasoo baxay dhinaca Dowladda Soomaaliya, inkastoo Saraakiil u Hadlay Al-shabaab ay sheegeen inay Weerar ku Qaadeen Wanlaweyn oo ay sheegeen inay ku sugan yihiin qaybaha ugu muhiinsan.