Dhegayso..Maxamuud Sayid Aadan”Dagaal ayaynu qaadaynaa…Aniga iyo Fartaagna Adis ayaa nalagu soo heshiisiiyay”

1
42
Maxamuud-SayidGuluf Ciidan ayaa waxaa haatan ka soo cusbonaadey Gobolada Gedo iyo Bay waxaa lala xariiranayaa in uu ka dambeeyey ka dib markii Saraakiisha Dowlada Ethopia ay dhowaan shir ugu qabteen Magaalada Adis Ababa Mas,uuliyiin ka tirsan Juboland oo uu hogaaminayey Jeneral Farataag iyo Xubno siyaasiyiin ah oo uu ka mid yahay Siyaasiga Maxamuud Sayid Aden ,kulankaasi ayaa la sheegay inuu dhaliyey is afgarad.
Maxamuud Sayid Aden oo ah Mas,uulka hadda loo xilsaarey Howlgalka Baardheere oo la hadlayey Warbaahinta Wadajir ayaa sheegay in lagu heshiiyey dhowaan in shir weyne Dib u heshiisin lagu qaban doono Magaalada Baardheere ,xaga howlgalka ayuu sheegay in lagu heshiiyey si wadajir ah in looga qeyb qaato.
Dadka shacabka ah ee degan Deegaanada Shabaabku  ka arrimiyaan ayaa waxaa soo food saaray cabsi xoogan ka dib dhaq dhaqaaqyada Ciidan ee ku soo fool leh,Al Shabaab ayaa fariisimayaal muhim ah kaga sugan Gobollada Bay iyo Gedo, iyadoona howl gallada haatan ay u muuqdaan kuwa Ciidamadu ay ku doonayaan in looga saaro fariisimayaashaasi.
Halkan ka dhegayso Wareysiga Maxamuud Sayid Aadan

1 COMMENT

  1. daafeedey ninkaan hada aad soo shaacbixinooysiin marka hore kii aad tageri jirteen soow maahan oo 6gobal aad maxamed ziyzd dhayib u amaaneyseen hadab la socda waxa aan soconeynin umada ha urumeysiinina sabtoo ah maxamed haduu sax yahay wadad uu hada qaatey kol horey waxaa aad dhoo dhoobeyseen wax jira ma aheeyn hadab aniga waxaan ahay qofka ku xiran daafeet oo akhrista maalin kasta lakiin fikrada aan ku kal duuwneyn oo qofba wax ka aamin sanaa aniga waxan aamin sanaa fikirka ah in marka hore ladhiso 3dagobal kaidb markii dhulka sifoowo dadka dega 6da gobal isku biiraan cidna ma hor istaagi karto aniga taasi ayaan aamin sanaa idnka hadla kale ayaa dhuri jirteen hadan waad u jeedaan wada saxda ah uu qaatey maxamed ziyaad dhayib waa guul ha dhawdiina dhulkoo wad xur ah ayaan isku biiri doonaa sidasi ogaada daafeet cida wax qoreyso arimaha koofur galbeet

Comments are closed.