Askari Ka Tirsan Ciidanka Dowlada oo 5 Ruux Ku Diley Magalada Baydhaba

0
23

bamWararka inaga soo gaaraya magalada baydhaba ayaa sheegaya in Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Muqdisho uu dilay ila Shan Ruux islamarkaana uu dhaawacay ilaa 18 kale.

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Baay Korneyl Mahad C/raxmaan ayaa sheegay in Askariga wax dilay ay Dagaalameem Askari kale,waxaana uu intaa ku daray Taliyaha in Askariga Dilka geeystay uu Bamka Madaxa uga garaacay Askari kale kadib Markii Bambada ay Gaanjada ka fuqdayna uu tuuray sidaana ay Dadka ku dishay.

Taliyaha Booliska Gobolka Baay ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamadii meesha joogay ay Rasaas badan fureen,iyagoo mooday in Bamka lagu soo tuuray,taas oo geeysatay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Si kastaba arintu ha ahaatee dhacdooyinka noocan oo kale oo ay isku geysanayaa askarta ayaa beryahan dambe si aad ah ugu sii badanaya gudaha magalada baydhaba ayadoo inta badan aan wax anshax ah la marsiin dadka falkaasi geysta.