Ciidamada Itoobiyaanka oo Dad Shacab ah Ku Laayey Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Baay

0
23

Wararka ka imanaya magalada buurhakaba ee Gobalka Bay ayaa sheegaya in dad ka badan 12-Ruux oo shacab barakacayaal ah ay ku dhinteen duqeyn ay geysteen diyaarado dagaal ay halkaasi ka geysteen iyo rasaas ay toos u fureen ciidamo Itoobiyaan ah.

Dadkan ayaa saarnaa Gaadiid kuwa xamuulka ah waxay uga soo barakaceen deegaanka Daladoolle oo ku dhaw degmada Buurha-kaba, balse gaadiidkii ay la socdeen ayaa la sheegay in diyaarado dagaal ay duqeeyeen.

Haweeney ku sugan Degmada Buurhakaba oo Duqeyntaas kaga dhinteen Afar Caruur ah oo ay eedo u tahay iyo Hooyadood ayaa u sheegtay Warbaahinta in duqeynta kaddib ay Ciidamada Itoobiya si bareer ah u dileen dad kale oo ka badbaaday duqeyntaasi iyo sidoo kale shacab Guryahooda ku jiray.

Khasaaraha dhimashada ayaa intaasi ka badan kara, waxaana adag in khadka Taleefoonka lagu helo Dadka ku dhaqan Deegaanada Duqeyntaan ay ka dhacday.