Golaha Wasiirada Maamulka Shariif Xasan oo Ku Eedeeyey Shariif Xasan Musuqmaasuq

5
35

Ayadoo haatan kasoo wareegatey ku dhawaad 7 bilood kolkii uu ku dhawaaqey golahiisa wasiirada shariif sakiin ayaa haatanwaxaa soo shaac baxaya in qaar ka tirsan wasiirada maamulka shariif Sakiin ay dhaliin u jeedinayaan masuulkooda.

Wasiirada dhaliisha hatan ka waramaya ayaa waxaa ay kasoo jeedaan guud ahaan gobolka shabeelaha hoose ( Digil iyo Biyamaal ) ayagoo ku andacoonaya in howlihii ayaga loo idmadey wasaaradahooda ay shaqsiyaad xirir dhow la leh shariif xasan ay fara gelin ku hayaan.

Wasiiradan reer shabeelaha hoose ayaa in dhawaydba waxaa ay kulamo ay kaga arinsanayaan waxa ay ka yeeli lahaan nidaan xumida kasoo baxdey maamulka shariif xasan ayaa ugu dambeyn waxaa ay soo bandhigeen qodoban soo socda.

Maamulka:-

In la kala Cadeeyo Shaqooyinka wasaradaha

A-wasarada arimaha gudaha iyo wasarada gargaarka iyo daryeelka maatada

B- Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Wasaarada Gaadiidka iyo Garoomada

C- Wasarada Maaliyaga iyo Wasaarada Ganacsiga

D- Wasarada Ganacsiga iyo Wasarada Batroolka iyo Tamarka

E- Wasarada Batroolka iyo Tamarta iyo Wasarada Macdanta iyo Biyaha

Dhaqaalaha

Wasiirada ayaa waxaa ay ku doodayaan in guud ahaan dhaqaalaha kasoo xarooda gobolka shabeelaha hoose gaar ahaan degmada afgooye uu shariif xasan usoo magacowdey shaqsiyaad taasi oo aan aheyn wax sharciga ku dhisan sidoo kale waxaa ay sheegeen in maamulka degmada afgooye guud ahaan dhaqaalihiisa ay la wareegeen shaqsiyaad shariif xasan usoo magacowdey isla markaana degmada aynan wax dhaqaala ah ka helin dhaqaalaha ksoo xarooda degmada taasi oo ayana calaamatusu,aal ka taagan.

Siyaasada

Dhanka kale wasiirada ayaa waxaa ay soo bandhigeen in deegaanka shariif xasan uu haatan deegaameystey degmada afgooye ay tahay arin aan waafaqsaneyn dastuuirka iyo anshaxa suuban ee dadka walaha ah midna ayadoo sidoo kalana ay hoosta ka xariiqeen in degmada baraawe ay tahay caasimada maamulka koonfur galbeed ay tahay degmada baraawe shariif sakiina looga bahan yahay inuu tago degmada baraawe kuna shaqeeyo.

Cadaalada

Wasiirada waxaa ay sheegeen in musuqmaasuq baahsan uu ka jiro gudaha maamulka koonfur galbeed, Musuqmaasuqaas oo uu hormuud ka yahay sharii xasan waxaana ay ka xuseen in 43 deeq waxbarasho loogu deeqey maamulka shariif xasan isla markaana dadka ku nool gobolka shabeelaha hoose aan waxba laga siin, Sidaas si la mid ah maamulka waxaa uu heley in 25 sarkaal loogu qaado dalka dibadiisa si tabatabar buuxa loo soo siiyo taasoo gobolka shabeelaha hoose haba yaraatee aan waxba laga siin.

Inkastoo dhibaatooyinka ay ka cabanayaan wasiirada ayaan aheyn filan waa ayaa hadana waxaa aad u muuqata in wasiirada naftooda ay qeyb ka yihiin hagardamada uu shariif xasan ku hayo shacabka giobolka shabeelaha hoose.

 

 

 

 

5 COMMENTS

  1. waryaa khaa’inyahow waan isla joognaa, waryaa kabax afaaraha Shariif Xasan waa Ahlul Beytka yuusan ku habaarin, walaahi haduu na amro daqiiqad ayaan kugu dhameyneynaaa; Digil kulahaa war Digil iyo Shabeelada Hoose ba anagaa isku Leh.

  2. Tuug Osaama Bin Laaden waad arki doontaa adoo kabo la’aan ah hadaadan kabixin Sh/hoose, oo aan Daynuunaay leysku wareysan….hhhhh. Digil waa dad Caqli badan, oo aqoona kudarsadey.. ma’aha tuugsade yaal

  3. waa ceeb in aad is aflagaadeysaan dhaxdiini hala isku samro in sha allah wixii badil ah waa un iska dhamaneyaan

  4. Dadka Qaarkii meesha ay ka fekereyaan iyo halka aad joogtan, Wax isu dhaw maaha, Iftiin &Mugdi, Waxaa laydinku Mashquuliyay In aad ku Dagaalantaan Xalwo oo aad u Macaan, Idin ma Muuqdo Dahabka Hoostiina yaal ee Duulkaan USC-Hawiye isku Bahaystay in ay Xalaashadaan, Balse Aysan Calfan doonin,Aaqirkana Meesha ay ku Go’i lahaayeen ay tahay Gobolkan, U kaca Dantiina ee ka fogaada Malaa-Yacniga aad ku hadlaysaan.

  5. ninka magaca waziir wata il cawa ayaa ku haysa sxb mirifleh dowlad ma noqon doono ninka aad leedahay ahlu beyt waxaa kuu sheegaagaa inuu yahay qaain taarikhdisana waala yaqaan shariif sakiin inuu ahaan jiray dadaal dalaama xoolaha nool sida ariga iyo digaaga ahlu beytja aad ku sheegeesid mana ahan waa inan gumeed waligiisna ha idiin duleesto haku fikirin sh/hoose baydhabo yeygacantiina ka bixin

Comments are closed.