Gudiga Doorashooyinka Qaranka oo Xaliimo Ibrahin Ismaciil ( Xaliimo yareey ) u Doortey Gudoomiye

0
28

Xaliimo Ibraahim Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa loo Doortay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, kaddib Munaasabad maanta ka dhacday Muqdisho.

Munaasabadda doorashada ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Somalia iyo Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Sidoo kale, Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ayaa Waxay Guddoomiye ku Xigeenka u Doorteen, Siid Cali Sheekh Maxamuud, kuwaasoo wixii maanta ka dambeeya hormuud u noqon doona guddigan oo howlo aad u badan laga sugayo.

Xaliimo Yarey ayaa horay guddoomiye ugu soo noqotay Guddigii Farsamada ee dhismaha Maamulka Galmudug, iyadoo sidoo kale soo noqotay Guddoomiyhihii Ergadii soo xulay Baarlmaaanka Federaalka Somalia.