Gudoomiyaha Barlamaanka Prof Maxamed Osman Jawaari oo Sheegey In Dalka Aysan Ka Dici Karin Doorasho Qof iyo Codkiis 2016

0
24

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Prof Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari ayaa ka hadlay Hiigsiga 2016-ka, isagoo Xusay in aanay Dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah.

Jawaari oo ka hadlayay shirkii baarlamaanka ee Isniintii ayaa hoosta ka xariiqay in la wada ogyahay in aanay bisha Ogoosto ee Sanadka 2016-ka kaddib dalka ka dhici karin doorasho rasmi ah.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ayaa tilmaamay in sababta aanay dalka doorasho qof iyo cod ah uga dhici karin inay tahay, iyadoo aanay dhameystirnayn hay’adihii dowliga ahaa qaarkood, Dastuurkana uusan ahayn mid dhameystiran, tira-koob sax ah oo la hayana aysan jirin iyo weliba in aanu wanaagsanayn amniga dalka.

Hadalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay dhowr jeer oo hore ku celiyeen Mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Calaamka inuusan jiri doonin muddo kororsi marka la gaaro sannadka 2016-ka, dalkana ay ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah.