Golaha Baarlamaanka oo maanta Go,aan Ka gaarey Doorashooyinka 2016

1
30

Kulan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya uuna ka qeyb galay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirada ayaa waxay ku shaaciyeen in sanadka 2016-ka doorasho xor iyo xalaal ah aysan ka dhici Karin dalka Soomaaliya.

Dowlada Federaalka uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheikh Maxamuud ayaa horay u sheegtay in dalka Soomaaliya ka dhaceyso doorasho Qof iyo Cod ah,islamarkaana ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ay igu si xor ku doortaan qofka daadihinaya.

Kulankani ayaa waxaa ku sugnaa reysulwasaaraha dowlada federalka somaliya iyo qaar ka tirsan golahisa wasiirsa, Gabagabadii kulanka ayaa xukuumada iyo baarlamaanka waxaa ay sooo saareen dhowr qodob oo ay isku afgarteen in wax laga qabto qodobadaas oo kala ah

1- Labada gole ee dowladda waxay isla garteen oo ay isku raaceen in sanadka 2016 dalka ka dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod ah

2- In la qabto shirweyne heer qaran ah oo ay ka qeyb galayaan golayaasha dowladda iyo maamul goboleedyada dalka, kaasoo looga tashanayo tallaabada ay dowladda qaadeyso si dalka doorasho uga dhacdo 2016 Agosto marka la gaaro, maadaama aanay dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod ah.

3- In qaban qaabada howsha hiigsiga 2016 iyo tallaabada dowladda qaadeyso lagu soo gaba gabeeyo dhamaadka sanadkan 2015, si 2016 shaqada u bilaabato.

1 COMMENT

  1. HHHHHH WAR WAXA SOMALIYA JOOGO GABI AHAAN WAA DOQOMO 2016 WAXAA LAGA YAABAA IN WAX SOMALI AH LAGA WAAYO MAXAA YEELAY ADUUNKA AYAA ROGMAYO AMA QAARADA SOMALIYA AYAA LA BAABINAYAA OO WAXEY NOQONEYSAA GOBOL KA MID AH MAREYKANKA

Comments are closed.