Maxamed Cabdi Kaliil”Farataag waxaan ku heshiinay arimaha Jubbaland in la laalo

0
27
kadib markii maalmo ka hor Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada Soomaaliya ay si buuxda ula wareegeen degmada Baardheere 3maalin ka hor ayaa durbaba waxaa soo baxaya kala aragti duwanaansho u dhaxeysa Mas,uuliyiinta DF ee Gobolka Gedo iyo Mas,uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland.
Kulan maanta ka dhacay Magaalada Baardheere oo u dhaxeeyey Madaxweyne Ku xigeenka Jubbaland Cabdulaahi sheekh Ismaaciil Farataag oo shaley soo gaarey degmada ,isaga iyo Maxamuud Sayid Aden iyo Cabdi Bare Cabdi ayaa looga wada hadlayey arimaha la xariira cidda xaqa u leh maamul u sameynta,siidii loo xalin lahaa khilaafka siyaasadeed qabsashadii Baardheere ka dib iyo astaanta ay qaadan doonan Ciidamada DF iyo Ahlu sunna.
Kulanka ayaa dhinaca Dowlada soomaaliya waxaa matalayey Maxamed Cabdi Kaliil oo ah Gudoomiyaha Gobolka Gedo,Siyaasiga Maxamuud Sayid Aden,Sheekh Maxamed Aw-Libaax oo ka mid ah Mas,uuliyiinta Ahlu Sunna,Cabdi Bare Cabdi iyo xuno kale oo isugu jira Mas,uuliyiin iyo saraakiil Ciidan.
Kulankasi ka dib Maxamed Cabdi Kaliil oo ah Gudoomiyaha Gobolka Gedo ayaa sheegay gebgebada kulankooda in ay ka soo baxeen labo qodob oo kala ah in dib loo dhigo arimaha ku saabsan Jubbaland,shir siyaasadeedna la qabtomCiidanka hadda ka howlgalaya Magaalada Baardheerena ay yahiin Ciidamada Dowlada Soomaaliya.