Dhegeyso:-Shariif Sakiin oo mooryaanta beelaha Hawiye dul dhigay Shacabka degmada Barawa si uu u dego.

0
52

bawKadib kolkii maamulka Shariif Xasan uu go’aansaday inuu caasimada maamulkiisa uu ka dhigto magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxaa jiray dhaqdhaqaaq uu shariifku ka waday degmada oo isugu jiray Barakicin iyo dhaca dhulka danta guud,Hadaba todobaadkan waxaa magaalada ka socday howlo uu maamulka Shariif uu ugu magacdaray xaqiijinayo Amniga oo in ka badan laba kun oo Mooryaanta ciidan beeleedka beesha Hawiye uu dul dhigay magaalada si uu u caburiyo Shacabka reer Baraawe

Sidoo kale ayaa waxaa maamulka Shariif iyo Ganacsatada beesha Hawiye ku howlan yihiin inay dhacaan dhulka danta guud ee degmada Baraawe iyagoo u sii maray waxay ugu yeereen dayactirka xarumaha Dowlada.

Si kasta oo loo dhigaba waxaa Huwantan isu kaashatay caburinta Shacabka iyo Xalaalaysiga hantida shacabka ayaa waxay qorshaynayaan in Kowda Sebtembar magaalada Baraawe ay u raraan maamulka Shariif Sakiin oo haatan caqabado Siyaasadeed oo aad u badan ay ku haystaan magaalada Baydhabo ayna ugu horeyso diidmada Beelaha Digil iyo Mirifle ee ku aadan in Baarlamaanka KoonfurGalbeed ay ka mid noqdaan beelaha HabarGidir iyo Abgaal oo ay Shariif Sakiin ay Xulifo yihiin si uu taa uga baaqsado ayaa waxa uu shariif Sakiin haatan uu Baraawe ka wadaa qorshe uu ku doonanayo inuu si degdeg ah uu Baraawe ugu soo guuro ugu danbayn Kowda Septembar si uu Lixda Sebtembar fadhiga ugu horeeya ee Baarlamaanka KoonfurGalbeed oo macmal ahi uu uga dhaco Baraawe.

Halkan ka dhegayso