Qarax Maanta Ka Dhacay Xero Tababar Uga Socdey Ciidanka Raaskambooni oo Ku Taala Magalada Kismaanyo

0
39

qaraxWararka inaga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose ayaa sheegaya in qarax uu maanta ka dhacay xero ciidan oo ku taala Magaalada Kismaayo.

Wararka kale ayaa sheegaya in qaraxa uu yahay Miino lagu aasay Xerada ciidanka Gudaheeda, Xerada waxaa lagu magacaabaa Madhamaato Magaalada Kismaayo ayeey ku taalla.

Qaraxan ayaa la sheegayaa in uu geystey dhibaatooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac taasoo dhamaantood ay soo wada gaareen ciidamada maamulka raaskambooni oo halkaasi tababar uga socdey.

Maamulka raskambooni ayaa ilaa iyo hada ka hadlin dhaawaca rasmiga ah ee ee soo gaarey ayadoo koley warbaahinta la xiriirteyna diidey iney arintaas ka hadlaan.