Warsaxaafadeedkii Kasoo Baxay Aqoonyahanada Koofur Galbeed ee Ku Saabsanaa Hadaladii Dhawaan Kasoo Yeerey Kooxaha Sheegtey Iney Yihiin Daarood iyo Meher.

4
85

warsaxaafadeedAnagoo ah aqoon-yahanada Koofur Galbeed ee shanta qaaradood ee aduunka. Waxaan si adag u cambaareyneynaa nimanka isku sheegay iney yihiin xildhibaanada beesha Daarood iyo Meher sheegashada in ay deegaan ku leeyihiin deegaanada koofureed; gaar ahaan gobolada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Waxaa wax laga xumaado ah inagoo wada ogsoon taariikhda dhoweyd ee dowladii Max’ed Siyaad Bare ay ku keentay dadkan deegaanada koofureed si qaxootinimo ah; in isla dadkii aan walaaltinimada iyo islaamnimada usoo dhoweynay iyagoo dhibaateysan oo qaxooti ah iney nagu qabsadaan ama sheegtaan iney 100%-kiiba 50% nagu leeyihiin am aka deganyihiin deegaanadan.

Anagoo ah aqoonyahanadii Koofur Galbeed, waxaan digniin adag u direynaa dadkan damaca waalan uu madax maray, iney ka foogaadaan wax walba oo keeni kara ama horseedi kara isku dhacyo horleh.

Lahaanshaha deegaanadan ma,ahan wax shaqsi asigaba la heyste ah uu idiin siin karo amaba ka raali ahaanshaha dowladaha deriska ah aad ku kasban kartaan.

Taasi waxaa diiday aqoonyahanada Koofur Galbeed; oo go,aansaday iney ka difaacdaan dhulkooda qawleysatada dhulboobka iyo dhiiga masaakiinta caadeystay.

Anagoo markii horeba aanan aqoosaneyn maamulada dhaca iyo boobka ku saleysan ee ay ka sameysteen gobolada Jubooyinka, oo run ahaantii xaqdaro cad ah; ayaa hadana damacoodii waalnaa wuxuu tusiyay iney ku darsan karaan inta ka hartay deeganada koofureed.

 

 

4 COMMENTS

  1. daafeet.com.
    waa soo dhaweyneynaaa Shariif sakiin go.aan halagaqaato dadka kusooduuley shabeelaha hoose haliskadhiciyo halatashto oo aan iska dhicinno kuwa sooduuley

  2. asc waa figrad fiican gudiga isku sheegay aqoonyahanka
    laakiin waxaan idiin sheegayaa hadalkiina aas iyo aragti koofur galbeed somaali badan ayaa dagan dadka asalka ah waa daarood iyo digl xitaa waxaa dagan dad carabta ka soo haajiray cad cad hawiye wuxuu leeyahay wax baan ka daganahay marka hawiyaha waad ka cabsaneeysaan meesha deegaan halga dhigo qabiilka haljoojiyo tusaal waxaan daganahay ugu yaraan lix qarni yaa idhihikara iska tag riyada joojiya maskacda fura hadaad diidaan runta ayaad arki doontaa

  3. horaa Loo yiri ishiis Laga arkaa ushiis lagu Tumaa waa wax anaga naga arkeen jiwaabtana xadal uma baahnee ficil iyo isku Duubni ayaa la rabaa Horaa Loo dhaxay safar iska edkoo in haayne alaabtiis Boobtaan wa xada tii aa socoto idinkaa 10 jiho u kala jeedaan in dhulkiina ay soo damcaan taas ayaa sabab u ah in aad is kalmeysaan ma rabtaan xibil waa dheer yahay xibil waa gaban yahay xibilna waa Buuran yahay kana caatawaye ayaaba ka bisi lacdihiina maxaa dhulkaan loo damci weynaa Daarood hal qolo hadii shegatay %50 Habiye Naaredna % 50 Dirna %50 kkkkkkkkk dhulka meeguwa dameer dhaliis
    akhli daro anaga nagu arkeen iyo nacasnimo ayaa kentay xadalka badan inta Leyska Dhaafo Dowladaan jirta Halala shaqeeyo si meel aan u Gaarno oo dhulkena ku Difaacan karno

  4. Cumar boogo hadalkaada ayaa jeclaan lahaa in aan wax yar ka iraahdo umadan adigaa og oo ka marqaati ah in aysan 10 jiho u kala jeedin waa la socotaa in ayagoo isku duuban ay fadhiyeen magalada baydhaba si ay u sameystaan maamul ay ayaga dhan raali isaga yihiin qurbo joogta oo dhana ay raali kaga ahaayeen in uu soo dhex galey shariif xasan si uu u kala eryo isla markaana isaga hor keeno dadka.

    Waxaa nasiib daro ah adigoo si buuxda ula socda wixii uu shariif sameeyey in aad manta lasoo shir tago isku duubni ayaa wax lagu noqdaa waana in la is taageeraa si horumar lagu gaaro uma mal;eynaayo inta ay umada hormuud u yihiin caado qaatayaasha aan arkeyno in umadaan ay horumar gaari doonto xalna uma arko in kuwa hogaanka hada u ah lagu daba feelo sababtoo ah qaacidada ay ku shaqeynayaanba ma aha mid dan uGu jirta shacabka koonfur galbeed.

    Marka Isku dey in aad runta ka hadasho oo aadan dhinac u janjeerin sababtoo ah dunida manta ma aha tii shaley oo qofka wuxuu rabo intuu iska sheego isla markaana laga aamusi jirey taariiqdaa qori doonta kuma burburiyey hamingii ay lahaayeen shacabka koonfur galbeed iskuna dey in aad u istaagto badbaadinta dadkaada iyo dhulkaada inta aad ku daba feeli laheyd qof aan ka naxey dhulka iyo shacabka koonfur galbeed.

    Wabilaahi Towfiiq

Comments are closed.