Taliyihii Ciidanka Boliska Ee Doolow Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Beled xaawo oo La Diley

0
34

baladxawoSaraakiisha Ciidanka Dowladda Somalia ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in Dagaal culus oo ku Dhex-maray Deegaanka Kabis oo Degmooyinka Balad-Xaawo iyo Garbahaarey u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab lagu dilay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Somalia.

Mas’uuliyiinta lagu dilay dagaalkan ayaa kala ah; Guddoomiye ku Xigeenkii Balad-Xaawo, Maxamed Yacquub Faarax iyo Taliyihii Booliiska ee Dooloow, Col. Cabdi Culusoow, sida Warbaahinta uu u sheegay Col. Nuur Sayax Xareed oo ka mid ah Saraakiishii Hor-kacayay Ciidamadii Dowladda Somalia.

Wuxuu Sarkaalku hadalkiisa ku daray in Deegaanka Kabis oo uu dilka Ma’suuliyiintan ka dhacay ay soo weerareen xoogag ka tirsan Al-shabaab; ayna khsaaare Xooggan u geysteen; ayna kaga dileen 12 dagaalyahan.

Taliyaha ciidanka Dowladda Somalia ee Gobolka Gedo, C/llaahi Yare oo isna u Warramay Warbaahinta ayaa sheegay in iska-horimaadkan uu dhacay xilli ay ka wadeen deegaankaas ciidamada dowladda baaritaano; isagoo intaas ku daray inay sii socon doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee Gobolka Gedo ka socda.