Wasiirka Gaashaandhiga oo Dalka Marsar Kula Hadley Ciidamo Tababar halkaasi u Jooga

0
61

Wasiirka-Gaashaandhiga-Cabdiqaadir-DiiniWasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya General, C/qaadir Sheekh Cali Diini, oo socdaal shaqo ku jooga dalka Masar, ayaa booqday xarun lagu tababaro Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku taalla magaalada Qaahira.

Wasiirka ayaa booqashada waxaa ku wehelinayey Taliyaha ciidanka badda Admiral Madeey Nuur, Taliyaha ciidanka cirka Sareeyo Guuto Maxamuud Sheekh Cali “Dable Baylood”. Mudane Diini ayaa hadal dar-daaran ah u jeediyey Ciidanka tababarka dhamaystay oo dhawaan dib ugu soo laabanaya dalka iyo kuwa uu weli u socdo.

“Tababarka aad dhameysateen waa mid sare, waxaana dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay idin ka sugayaan waxqabad muuqda, waayo waxaa socda dagaal lagula jiro kooxo nabadda diiddan, idinka ayaana la doonayaa in dalka aad nabad ka dhigtaan”.

Wasiir Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa uga mahadceliyey dawladda Masar tababarka ay siisay saraakiishan ciidan ee ka mid ah kawaadirta ciidanka qaranka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in Masar ay weligeed bar-bar la garab taagnayd dalka Soomaaliya.