Beelaha dega gobolka Shabeelaha hoose oo caawa ku heshiiyay qaybsadayna Xildhibaanada KoonfurGalbeed ay ka heleen

12
5787

Gobolka-Shabeelaha-hooseWararka ka imaanaya magaalada Baydhabo caawa ayaa waxay ku waramayaan in beelaha dega gobolka Shabeelaha hoose ay ku heshiiyeen qaybsiga Xildhibaanada Baarlamaanka KoonfurGalbeed isla markaana warqad ay ku wada saxiixan yihiin dhamaan dhaqanka gobolku ay u gudbiyeen Madaxtooyada KoonfurGalbeed.

Xubnaha saxiixay heshiiskan ayaa waxaa tiradoodu lagu sheegay 26 xubnood oo isugu jiray Salaadiin,Nabaddoono iyo weliba Ugaasyo iyagu ku heshiiyay inay qaab deegaaneed wax ku qaybsadaan isla markaana ay degmooyinku u kala qaaday laba qaybood oo kala A iyo B,Degmooyinka A-da oo kala ah Caasimada gobolka magaalada Marko,Afgooye,Wanlaweyn iyo Qoryooley ayaa waxay heleen min 5 xubnood halka kuwa B-da ahna ay heleen min 4 Xubnood kadibna ay Beeluhu u qaybsadeen hadba siday isula degaan.

Sida ka muuqata awood qaysiga beelaha gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxay tusaale cad u tahay in Baarlamaanka KoonfurGalbeed ay ka heleen 36 xubnood oo ka mid ah 95 xubnood ee uu ka kooban yahay Baarlamaanka KoonfurGalbeed.
Shaxduna waxay u qornayd sidan.
1-Marko 5 Xubnood 3 Beesha Direed(iyomaal),1 Laba iyo tobanka koofi(Shiikhaal),
1 Habargidir.

2-Afgooye 5 Xubnood 3 Digil(Geledi),1Hintire,1 Mudulood(Wacdaan)

3-Wanlaweyn 5 Xubnood 5 Digil(Shanta Caleen)

4-Qoryooley 5Xubnood 2Gare,1Begedi,1Jiido,1 Duubane

5-Awdheegle 4 Xubnood 2Begedi,1Gare,1Biyomaal

6-Sablaale 4 Xubnood 2Jiido,1Tuni,1Iroow

7-Barawe 4Xubnood 3Todoba tol(Tuni iyo Bawan)1Abgaal

8-Kurtunwaarey 4 Xubnood 3Jiido,1Duubane.

Sidan si lamid ah ayaa waxaa iyana la sugaayaa ugu danbay ilaa maalinta Khamiista inay soo saaraan odayaasha dhaqanka beelaha dega gobolada Baay iyo Bakool liiskooda oo iyagu sida aan warka ku helayno ku qaybsanaya qaab beeleed.

Todobaadkii aynu kasoo gudubnay ayay ahayd kolkii Shariif Xasan uu kulan kula qaatay Dhaqanka KoonfurGalbeed magaalada Baydhabo uu u sheegay in Arbacada 9/9/2015 la dhaarin doono Xildhibaanada KoonfurGalbeed aynu soo gudbiyaan ugu danbayn magacyada Xildhibaanada 6/9/2015 ayna soo xaadiraan maalinta dhaarta.

12 COMMENTS

  1. si cadalad ku jirto aya wax loo qeybsadey guul kofur galbeed cidamo tayo leh hala soo dhiso haka imadan dadka deganka wabilahi tawfiq rer shabelaha hoose guul. habargidir wa ey yabantahay kula shein arjicu ilaa aslihi hal xubin aya lasiyey maskiin bimaal waxa idin leyahay halka xubin lasiyyey habargidr waa sun inkasoo manority kuyihin gobolka hada kadib halaga ilaliyo nin habargidir qori ku wata gobolka shabelha hoose nijasada nijasada dhashey gobolka shabelha hoose waa idinkaga dhamatey oramada tihin wasa rer awdigil guuul, bimaal guul ha is racan rer shabelha hoose habargidr down dhulka dhagaxa aya idin sugaya dhuusmareb guriceel war mesha canba kama baxo maxa samayn donta rer shabelha hoose mar dambe ma idin soo dhwaynayan idinka aya isku direy

  2. Asc Daafeet sida adiga kula ah ayaaad u qeebisay 8 dagmo ee Shabeelaha Hoose waana figrad aan u xun sabatoo ah dagmada aad u dhalatay waxaad siisay 5 xildhibaan
    5 tana waxaad siisay qabiilka aad ka dhashatay ee sidaas mukula fiican tahay Yaasiin ? away gaaljecelka kula daga ma inkireeysaa ileen Afgooye waxaad sii say Galedi, Hintira iyo Wacdaan. Fadlan ka soo jawaab Yaasiin.

  3. waa arin fcn hadiiba habar gidir 1xabo lasiiyay inkastoo xabada hitaa ay dhib noogu tahay inay gaataan maxaa yeelay waa qalad lkn shariif xasan ayaa wax kasta lugunta noogaliyay isagana asagaa qaran doono cida habargidir dhibkooda iyo faa.idadooda

  4. Daafeet.com waa war fiican waana dhaqan wanaagga reer k/galbeed haddii lagu dayanaayo

    bulshada reer k/g ee Ku dhaqan puntland galmudug iyo inta kalé sida yeeleen malooo yeeli
    doonaa?
    aragneengg

  5. waa su aale warkaan xaqiiq miyaa mise waa saadalin away Galjecel oo ahaa qabiilka kaliya ugu degaanka badan hadii lo fiiro beelaha hawiye kale ee shabeele hoos dagan ?

  6. Asc wlh si dacad ah ayaa loo qebiyey ma fileyn lkn ilaahey ma hadii ayaa ku noqotey marka alx inta dhimana waan ka sugeyna mamulka konfor galbeyd ilaahey garabkod hagalo ilaahey ha ufududeyo insha allah wax walba guul ayaa ku dhamanayan.

  7. ninkan warkaan soo qoray waxaan weydiinayaa , walaweyn , hada sow abgaal gudoomiye ku xigeen kama aha, xoghayaha dowlada hoose sow abgaal mahan ma riyaad ku jirtaa mise waxaad xalay ku riyootay ayaad noo soo qoreysaa anagaa baydhaba kusugan wixii jirana og marka beenta iyo borogaandada waa mamnuuc

  8. shaxdaan ma qurxoono reer markana waan ka xumaaday dad aan la degin in wax laga siiyo baraawe na abgaal intoo ka degaa runta maala sheego cilada meeshaas ayeey ka jirtaa meeshana wax maamul la yiraah majiro mar horaa umadaas dhulkoodi la dbiibay hadanakoraastoodi miyaa maanta rabi tala ku filan

  9. 95- 36 = 59 Hadii warkaan uu jiro 59+1 = 60 Lixdan halaga dhigo oo hal xildhibaan ha lagu kordhiyo si tirada Baay iyo Bakool ay min 30 Xildhibaan ay u heli lahaayeen amd 35 reer Shabeelaha Hoose hala siiyo oo hal ha laga soo jaro.

Comments are closed.