Buuntadii Degmada Qoryooleey oo La Qarxiyey

0
56

qaraxWararka aynu ka heleyno degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in Gaari dameer lagu soo xiray walxaha qarxa lagu qarxiyay,buundadaasi,taasi oo dadka iyo gaadiidka intaba ay isticmaalayeen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in hada degmada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose go’doon ku jirto,waxaana dadka si xeeleysan u isticmaalayaan dooni yar oo isugu kala gooshayaan.

Ilaa iyo hada lama oga cida ka dambeysa qarxinta buuntadan balse waxaa ay kusoo beegmeysaa waabarigii saakay ururka Al-shabaab weerar xoogan ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada AMISOM ku lahaayeen degmada Janaale.

Sida dadka deegaanka ay sheegayaan Buundada ayaa gabi ahaanba bur burtay,waxaana suura gal ahayn in in buuntadan ay si sahal ah u isticmaalaan dadka shacabka ah iyo gaadiidka.