Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo Maanta U Ambabaxay Dalka Talyaaniga

0
21

xasan sheekhMadaxweynaha dowlada federalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u amba baxay dalka Talyaaniga, halkaasi oo uu kaga qeyb geli doono bandhig carweed caalami ah oo muddo lix bil ah ka socotay magaalada Milano ee dalka Talyaaniga.

Bandhig carweedka ayaa waxa ku jira madal loogu magac daray madasha maalgeshiga Soomaaliya, taasi oo ku beegan maalinta beri ah, waxaana sidoo kale jiri doona maalin gaar ah oo ay leedahay Soomaalida, isla markaana lagu soo bandhigi doono waxyaabaha ay caanka ku tahay Soomaaliya, iyadoo ay ka qeyb gali doonaan ganacsato Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhanka kale 4-ta bisha waxa uu magaalada Roma kula kulmi doonaa Madaxweynaha Talyaaniga oo ay ka wada hadli doonaan sidii dowladda Talyaaniga ay u xoojin lahayd taageerada ay siineyso Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ku sii sagootiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid.