Daawo:- Kulan Looga Hadlayey Qaadashada Jinsiyada Somaliya oo Ku Dhamaadey Qeylo

0
38

kulan manisotaKulan looga Hadlay Qaadashada Jinsiyadda Somalia oo lagu qabtay Magaalada Minneapolis, Minnesota ayaa ku Dhammaaday Buuq iyo Qaylo, kaddib markii la isla fahmi waayay sida lagu qaadan karo Jinsiyadda Soomaaliya.

Dadweynihii kulanka kasoo qaybgalay oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa waxay hadallo kala duwan ka jeediyeen kulanka, waxaana dadkaas ka mid ahayd gabar Soomaaliyeed oo sheegtay inay dhashay Ilmo Oromo ah.

Shacabkii kulanka kasoo qaybgalay ayaa isku raacay in Soomaalinimadu ay tahay u dhalasho, balse qof aan Soomaali ahayn aan laga dhigi karin Somali, sidoo kalena waxay diideen in qof aan Soomaali ahayn aan laga dhigi karin Soomaali.