Dhaqanka Biimaaloow”Dulmi diidoow dulmi doon haysku noqon”

9
598

mudulWaxay erayadan ka mid ahayd hees laqaaday bilowgii dagaalka sokeeye 1991 loona qaaday USC Ana waxaan u soo qaatay in aan daaha kaga rogo Dulmi ay haatan falayaan kuwo rumaysan inay iyagu u istaageen ka hor taga dulmiga balse taa bedelkeeda ay haatan aad u soo shaac baxayso Dulmi doon nimadooda sidii USC-ba ay horay ugu dad iyo dalba beeshay Dulmi dartiis.

Beesha Biimaal inay wax ka degto gobolka Shabeelaha hoose ma ahan mid maanta su’aal layska weydiinaayo sidaas si la mid ahna in ku dhow sanad inay Habargidir iyo Xulifadeeda Hawiye ay kula dagaalamayeen masaafo ku dhow 40Km oo dherer ah iyo 26Km oo Balac ah oo ka mid ah gobolka Shabeelaha hoosena markhaati loo dooni maayo laakiin su’aasha waxay ka taagan tahay Biimaal deegaan ahaan gobolka Shabeelaha hoose xaguu ka leeyahay?Yaase Biimaal ah?

Runtii ma filaayo in labadan Su’aal horey la isu weydiiyay hadii la isweydiiyayna ma filaayo in laga jawaabay balse waxaa xiligan oo dood badan ay ka taagan tahay habka loo dego gobolka Shabeelaha hoose si kuraas badan looga helo Maamulka KoonfurGalbeed waxaana lama huraan noqotay in aan ka jawaabo su’aalahan.
Yaa Biimaal eh?

Guud ahaan beesha Biimaal sida beelaha kale ee dego gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxay dhaqan iyo soo jireenba u lahaayeen in dadka ku abtirsado ay ka koobnaadaan Jareer iyo Jileec sidaas si la mid ahna beesha Biimaal waxay ka kooban tahay Biimaal Jareerweyne ah iyo Biimaal Jileec ah halka Jileecuna ay usii kala baxaan kuwo Laquursado iyo Kuwo wax quursada qiil la’aan.

Tani waxay farta ku fiiqaysaa wadajirka iyo walaaltinimadii soo jireenka ahayd ee ka jirijirtay gudaha beesha Biimaal maadaama ay dulun badan la kulmeen Biimaalka Jareerta ah kalana kulmeen kuwo Jileeca ah halka gudaha Jileecuna uu Quursi xoog badan uu ka jiro oo loo hayo beel iyana Jileec Biimaal ka mid ah,Dulankan lagula kacay Biimaalka Jareerta ah ayaa waxay si guud iyo si gaar ahba uga muuqaaa guud ahaan maamulada dalka ka jira sida Odayayaasha Dhaqanka Beesha,Xildhibaanada Baarlamaanka Federaaliga,Xubnaha Golaha Wasiirada Dowlada dhexe,Saraakiisha,Safaaradaha,Agaasimayaasha,Maareeyayaasha,Maamulka gobolka,Kan degmada Marka,Kan KoonfurGalbeed golihiisa Wasiirada sidoo kale Baarlamaanka lasoo wado ee koonfurGalbeed intaba wixii ay Biimaal qayb ahaan u hesho waxaa ku fadhiyo Nin ama Naag Biimaal Jileec ah marka dulmi intaas ka weyn oo lasamaynlahaa ma jiraa oo weliba lagu sameeyo dad kolkii Biimaal maanta loo kala bixiyo Jareer ii Jileec iyagu yihiin 70%?Jawaabtu waa Maya.

Kol hadii xaalka Biimaalnimo sidaan yahay Xagow degaa Biimaal Jileec ah Jawaabteeda waa Fududahay oo waxaan leeyahay Biimaal Jileec waxaas degaa Qayb ka mid eh Buulo-Jaan ii Buufoow shiidka,Buulo-Jaan waa xaafad ka mid ah Marko waxayna u dhigantaa hal dhig ka mid ah magaalada Marko kolka todobo loo dhigo amaba ka yar,Buufoow Shiidkana waxaas dhacaa Shalanbood ii Janaale dhexdooda waana iska Tuulo inta kale dhulka waxaa degan Biimaal Jareer oo dhamaan dhulbeereedka min Shalanbood ilaa Golweyn oo lagu soo xiro dhulbeereedka hoostaga Qoryooleey sida

Gaaywaroow,Bandar,Farxaan,Farkeeroow ilaa BuuloSheekh ilaa laga soo gaaro KeliCaafimaad iyo No50 loogu sii dhaadhaco Dhanaane dhulku waa dhul Jareer leeyahay laakiin ku kabnaanshihiisa Biimaal ama Digil waxay keentay in xaqooda kuraas looga raadsado meelkasta oo wax lagu qaybinaayo waxaana nasiib daro ah in gardaro garab leh ay walaalaha Biimaal ku dulmaan walaalahooda Biimaalka Jareerta ah.

Ma ahan dhibtan taagan maanta mid ugub ah oo cusub balse waa mid soo jireen ah loona baahan yahay in aan laga warwareegin waxka qabadkeeda maantaba si guul loo midaysan yahay loo gaaro beeshuna ay u noqoto mid beelaha kale ay ku daydaan isla mar ahaana tusaale haboon oo lagu daydo u noqoto.

Hadii ay sidaasi dhici weydo oo maantaba wax laga qaban waayo dulmigan Quruunta jirsaday waxaan la huri doonin in la isku danbaawo isla markaana laysku aakhiro iyo aduunyo seego sidii intii la gumaystayba ay ku xoroobeen.

War iyo gunaanadkiisa xaqa Jareer ee maanta ku hoos jira Biimaal iyo Digil masii ahaan doono sida uu maanta yahay maalmaha soo socda waxaana haboon inta qabasho leedahay in la garawsado oo wax laga qabto sidaa si lamid ahna inta jareer ku dul habsatay min Hiiraan ilaa Jubada hoosena inta ay goori goor tahay ayaan ku gaabsaday.

Ali Mohamud”Aw-Duuwane”

9 COMMENTS

  1. Waan hanbalyeynaa qofka soo qoray maqaalkaan , geesinimada muujiyey , waayo anoon jceleyn adeegsiga ereyga jareer haduu dad wax u dhimaayo magac ahaanrutaa , Laakin Run ahaantii shabeelada hoose waa dulmanayaal is dulmiya wana tan keentay in aan laga bixin dulmiga ama laga adkaanin dulmiw adayaasha cidey donaan ha ahaadaan , shabeelada hoose Haduu alle ka cabsi jiro boqolkiiba 30 dad u dhigma oo jareer ah aa ku nool , hadaan tusale u sooqaato Buulo mareer , golweyn janaale gaywaroow iyo bulo sheekh iyo kuwo badan oo kala hoostaga marka qoryooley kurtuwareey awdheegle iyo afgoye iyo degmooyinka kale in ay si aad ah ud agaan jareer ta dagan lakin qabaail ay kala sheegtaan matalaadna ku lahyen Tusaale waxaa ah biyomaal iyo jiido galadi iyo kuwo kale anon jecleyn in aan si hoose ugu dhaco dhaqan ahaan waayo waxa laga yabaaa in mudo sas iska ahyed , tusaale duubane darbane awdigil dhulka cid kaga badan malahn hadana matalaad kuma heysto digilka dhexdiisa , xildhiban qaran malahn , mid degmo malahn sidoo kale kuwo kale wax kuma lahan marka sheekado waa dulmanayaalw ax wada dulmaaya , waxan filaayo arrintana taariikhiga ah in si dagan loo maareeyo dadkana walaalaheeda ahna qabilkey rabaan hakujiraane ama ha maadx badnaadaane waa in ay helaan matalaad sax ah laguna qiimeeyaa dhulkooda , hadii kale saan lee dhibka looguw ad ajiraaa , ilaah hana cafiyo intaa aan goob jooga u aheyn dulmigaan waxna ka qaban weynay lakin marnaba raali kama ahyen dad badan waan kala hadl;i jiray , da dbaa xanaqi doona lakin xaqa lagama xanaaqo adoo sheeganaya qofkan in uu kaa tirsan yahay aad dhexdaada matalad siin kartaa inkastooo besha jiido iskud aydo in ayw ax siiyo , sidi horey ud hacday gudoomiyaha kurtuwarey , inakstoo hada qof kale joga hadana waa tusale fiican hal xildhibaan rer buulo mareer ahna ku leeyihin jiido dhexdeeda , runtii comentiga niyad wanaag baan ku qoray iyo dulmi naceyb , wana sii afeefanaaa da dbadana aan kala hadlijiray war jareer ta aad shegataan away waxa ay ku dhexlahaayen besha dhexdeeda , jawabta aan heli jirayw axa ay ahyed waa dad naga mid ah oo yar ,yaa is tiriyey baan ku jawabi jriay ee qof xaqiisa yarantisa kuma wayo ee matalaadiisa waa leyahay ,

  2. Qoraalkaan ma qorin qof Biimaal , waxaa qoray qof rabo inuu kala dhantaalo beesha Biimaal.

    Xiligaan ninka qoray sheekadaan waxaa nin cuqdad u qabo Biimaal. Ninkan qoray Biimaal wuxuu magaalada Marka ka degan yahay 7 meel hal meel wuxuu ka cuqdad badan yahay Axmed Diiriye iyo Xaad oo soo abaabulay dagaalkii bishii June 2014-ka ee xambaarsanaa magaca Shabelle State.

    Allah idiin caafiyo reer Aw Digil…….. Weligiina ayaad colaad soo jireen ah u qabteen Biimaal.

  3. waryaa lanatabure, danow celjaale eebuutey iyo qebka kat tirsan waxaa dega besha dabruuwe maxamed. runtii bimaal waa xaqiraa dadka la dega, anaga hadan nahay besha dabruuwe maxamed ee DIR. waa qasab in aan ka helanaa xaqeen 100%35 anaga bimaal walal ayaa nahay lkn bimaal waa xasid wuuna na xaqiro waxay donayaan, in ay nagadhigaan laf bimaal katirsan mana socondonto arinkasi. ileen qofkasta aftrisimo ayu leyahay

  4. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Ali mohamud wiilka reer Duube Digil aad baat u mahadsantahay sida geesinimada leh ee aad uga hadashey dulmiga lagu haayo shacbiga koonfurta somaliya gaar ahaan shabeelaha hoose balse waxaa loo baaxan yahay in aad kordhisaan dadaalka aad sameyseen gubulkiina u ogolaada gumaar iyo geeri xaq ah gowanimada waa loo go’aa godka aakhiro iyo ciilka loo galaa keliya xoojiya dhalinyarada xaq u dirirka ah garab istaaga.

  5. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Waxaan idin leeyahay”baruut daqiiqdiyoo bunduq weeye duniduyee Afrika is biirso oo is bahaysta ninka baal u leexdana basar wax ugu sheega ee ku balama DAGAAL hawiye ma boobeen dhulkeena ee rag baa biirinaayo oo shaley aan soo dhoweyney ka feejignaada kuwaaas.

  6. arinta uu ka dhawaajiyey walaalkeyga waa wax jiro biyamaalna waa layaqaanaa soomaali dadka keliya taariikh ahaan aduunkoo dhan lagayaqaano waaye hadaba waa kumaa waa biyamaal ereyga biyamaal na waa erey cad waa dad layaqaanay laakiin hada lama yaqaano maxaa sababay waxaa sababay dulmi maantana qoomiyada ugu liidato ayey noqotay mar ahadii gurigaaga ladhex fadhiyo maba lihid wax karaama ah waad na kasii liidaneysaa hadii aadaan ficimka maanta aad kusugantahay adaan faraha kala bixin qof kastoo iskudeya inuu hoos udhigo walaalkii isagana ilaah baa hoos udhigaayo qof kastoo dareen leh ayaa garanaayo hadii adiga daalim aad tahay waxaad la kulmeysaa mid kaa daalimsan yaan la duug duugin xaqiiqada hadii larabo in la xoroobo daboolka halaga qaado

  7. aniga horta dadka aad ka dhalatay ma caaynaayo lakiis wa qalad reer ka laandheeresan inada wax been ka shiigto adigo la ogeen waxa thy inaad hadasho maaha ragaan hada ka hadleeso warag ayamaha talyaaniga xurnimadaada radinayi ayo aha amikana habar gidir inta ay ku adoomiysa lahaayeen isaga ka celiyey hada jareer la dahana walagu yaqaana dadka aad ka dhalaty wa jareer 70% 1marna maha 2maha waxaan ogeen raga maxay ka galabsadeen marka cuqdadada ma yara wad buktaa vivva all dir

Comments are closed.