Xog:- Shariif Xasan iyo Salaadiinta Digil oo Hawiye ka Iibiyey Gobolka Shabeelaha Hoose

11
296

shabelaha hooseWarar lagu kalsoon yahay oo aynu ka helney ilo lagu kalsoon yahay oo ka mid ah maamulka Shariif Xasan diideyna in magacooda xigano ayaa waxay ku waramayaan in Shariif Xasan Sheekh Adan uu magacaabey laba gudi oo ka shaqeyn doona gobolka shabeelaha hoose ayna maamuli doonaan arimaha amniga iyo dhaqaalaha.

Gudiyadan oo uu maalmaha soo socda ku dhawaaqi doona shariif xasan ayaa waxaa ay bananka usoo saarayaan warar in dhoweydba uu Shariif Xasan ka qarinayey dadka ku nool gobolka shabeelaha hoose taasi oo ku aadaneyd in guud ahaan gobolka shabeelaha hoose uu Shariif Xasan ka iibsadey beesha hawiye.

Sida aan xogta ku heleyno labadan gudi ayaa kolka la isku geeyo waxaa xubno ka ah ilaa iyo 14 ruux oo u qeybsan Gudiga Amniga iyo Ciidan Ururinta ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo ka kooban 9 xubnood halka Gudiga Dhaqaalaha iyo la Dagaalanka Musuqmaasuqa ee Gobolka Shabeelaha Hoose uu ka kooban yahay 5 xubnood.

Xubnaha Gudiga Amniga iyo Ciidan Ururinta ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa ay kala yihiin.

1- C/fataax Ibraahin Geesey Wasiirka Amniga Maamullka Shariif Gudoomiye ( Mirifle Leysaan/ Geegii Mariidi Abgaal )

2- Maxamed Cabdullahi Mursal Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Maamullka Shariif ( Mirifle Ashraf )

3- C/llahi Cabdi Cumar Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Maamullka Shariif( Wacdaan Hawiye )

4- Axmed Xasan Faqi Wasiirka Garsoorka Maamullka Shariif ( Gare/Samaale )

5- Cali Nuure Siyaad Gudoomiye Kuxigeenka Amniga G/Shabelaha Hoose Maamullka Shariif ( Cayr Habargidir Hawiye )

6- C/qaadir Nuur Caraale Wasiirka Dib u Hishiintiinta iyo Arimaha Dastuurka Maamullka Shariif ( Murursade Hawiye )

7- Cali Adan Isaaq Taliyaha Nabadsugida 3da Gobol Maamullka Shariif ( Gare/Samaale )

8- Maxamed Abukar Jacfar Taliyaha Nabadsugida Gobolka Shabeelaha Hoose Maamulka Shariif isla Markaana ahaan jirey Gudoomiyahii Degmada Howl wadaag xiligii Taarzan ( Hawiye Murursade )

9- C/llahi Muuse Abuukar Wasiirka Gargaarka iyo Daryeelka Naafada Maamullka Shariif ( Biyamaal/Dir )

Xubnaha Gudiga Dhaqaalaha iyo la Dagaalanka Musuqmaasuqa ee Gobolka Shabeelaha Hoose wexey kala yihiin.

1- C/qaadir Nuur Caraale Wasiirka Dib u Hishiintiinta iyo Arimaha Dastuurka Maamullka Shariif Gudoomiye ( Murursade Hawiye ) Isla markaana xubin ka ah Gudiga Aminiga

2- Axmed Xasan Faqi Wasiirka Garsoorka Maamullka Shariif ( Gare/Samaale ) Isla markaana xubin ka ah Gudiga Aminiga

3- C/llahi Cabdi Cumar Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Maamullka Shariif ( Wacdaan Hawiye ) Isla markaana xubin ka ah Gudiga Aminiga

4- Eng C/rashiid Axmed Maxamed Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Maamulka Shariif ( Sheekhaal Hawiye )

5- Xuseen Cali Xaaji Wasiir ku Xigeenka Arimaha Gudaha iyo Dowlaha Hoose Maamulka Shariif ( Biyamaal/Dir )

sida ka muuqata xogta aynu helney ayaa waxey cadeyneysaa in beelaha digil ee gobolka shabeelaha hoose dega isla markaana ah beelihii loogu yimid gobolka in haba yaraatee aysan xubno ku laheyn maamulka cusub ee uu u dhiibiyey Shariif Xasan masuuliyada gobolka shabeelaha hoose ayadoo dhanka kalana magacaabista labadan gudi ay raali ka yihiin salaadiinta beelaha digil oo kala ah:- suldaanka beesha beesha Begedi, Suldaan Buube Cabdulle Buube, Suldaanka Beesha Jiido Suldaan Warsame Ibraahin Caliyow, Suldaanka Beesha Tuni Suldaan xeydar Suldaan Suufi, Suldaanka Beesha Shanta Caleemood Suldaan Siidoow Maadooow, iyo Suldaanka Beesha Galedi Suldaan Cusmaan Axmed Cabdi

Sidoo kale xogta aynu heleyno ayaa waxaa ay ku wareymeysaa in Shariif Xasan Sheekh Adan magacaabista gudiga uu kala tashtey xubnaha baarlamaanka federalka iyo golaha wasiirada ugu jiro belaha dega gobolka shabeelaha hoose gaar ahaan beesha digileed.

Talaabadan lagu iibiyey gobolka shabeelaha hoose oo u muuqata mid aysan u kala harin Salaadiinta, Xildhibanada, Wasiirada, iyo xubno xildoon ah oo kasoo jeeda beelaha digil.

Si kastoo loo dhigaba talaabadan uu qaadey Shariif Xasan ayaa waxaa ay la mid tahay talaabadii Cabdiqaasin Salaad Xasan sanadka markuu ahaa 2000 uu Yusuf Indho Cade oo ay isku beel ahaayeen uu gacanta ugu geliyey gobolka shabeelaha hoose sidaasi si la mid ahna sanadka markuu ahaa 1973 gobolka shabeelaha hoose uu Maxamed Siyaad Bare gacanta ugu geliyey C/risaaq Maxamed Abuubakar oo ay isku beel ahaayeen maantana xaalka waxaa uu taagan yahay Shariif Xasan Sheekh Adan gobolka gacanta u gelinaya beesha hawiye 2015.

shabelaha hoose

11 COMMENTS

  1. ma xuma haduu madaxweeynaheena sidaasi uu xal u arkaayo sabatoo ah dhulka in laga nanifiyo waxa qurmaayo oo dhan ayaa larabaa marka in dadkaasi shaqaala loo helo wa lagama maarmaan dawlad weliba danaheeda way ogtahay shariifna hawiye looma sheegaayo dafeedow kol horena waan kuula hadley dhulka hadego kadib cidadd rabtiin u dhiibta intaa arintau ay tahay hore usoc dib u celi dhib malahan shaqaalahaan way kashaqeyn karaan sidaa ciidamad amisom oo kale ayey lamid yihiin hadhowdii qof weliba dhulkiisa wuu og yahay hadegdegena eee hala aamin madaxweyna shariif ssheekh xasan wax isga dhaamo mahayno hada aniga sidaasi ayaan ku talin lahaa

  2. Looooool Maxamed aqliga aad meesha kusoo qortey ma aha mid uu ku shaqeeyo ama uu ku fikiro shariif sakiin ee umadaan ilaahey haka qabto ninkaan boorsooyinka weyn

  3. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Taariikhda ayaa xusi doonta qof kasta oo dulmi ka gala shacbiga gobolka shabeelaha hoose,wuuna ka xoroobi doonaa kuwa iibiyey iyo kuwa laga iibiyeyba,hala garab istaago xaq u dirirka,dulmi diidka,adalad doonka gobolka shabeelaha hoose mhd

  4. mohamed

    unisom aad shegeyso waqti cayiman ayay meesha ku joogaan wayna ka tagayaan kuwa dhulka rer shabeelada hoose xoog kusoo glay ma ii haysaa sharci goortay ka tagayaan, mise hadalkaagu waa haloo xalaaleeyo, kan dow faylen mee aaw, reer shabeelada hoose jiif dheerayaal hala idin gumeysto, ilaa dad aan ogahay oo taas diiday mahine

  5. magacyada inta aan ka gartay 2 ka mid ah waa digil sida wasiirka garsoorka waa reer caan ka ah qoryooley . waxaa la yaaban dad ayaga ka cabanaayo dulmi joofta hadana ayaga qalbiga ka xanuunsan ayaga oo daciif ah oo waxba ahayn diyaar u ah in ay wax dulmiyaan. la socsda qabiilka wasiirka garsoorka ma ahan manta qabiil yar oo daciif ah . waa qabiil dagaal iyo nabadba gali karo ..

  6. sheekadu ma dhabaa mise waa dheel dheel? hadii dhab tahay waa meel ka dhac & ihaano loo geystay Reer Digil .. hadiise dhel dheel tahayna tani wax lagu dheldheelo ma ahane wax ku dheedheeshaan miyaad weyseen madaxweyne shariif sidaan maka sura gasho waa khof aakhil ah hasa ahaatee wixii la khariyo waa soo baxayaan waana sugeynaa lakin Horaa Loo yiri ishiis laga arkaa ushiis lagu tumaa

  7. Omar Bong hadalkaada wuxuu u eg yahay mid aad ku taageereyso shariif sakiin sida aad u dhigtey balse waxaan kaaga nasteexeyn lahaa dhulkaadii iyo dadkaadii waa baabaeen saa u taagereyso umad aad qadiyad iyo dadnimo laheyn ee haku daba dhumin adoon weliba wax noqon isku dey in aad xaqa la jirto oo aadan shaqsi la safan shaqsiga wuu yimaadaa wuuna baxaa.

    wabilaahi towfiiq

  8. Mudane Axmed waxaa tidhi Garre maha digil taasi run baad shegtey, Ma waxaad jeclaan laheedeen in uu garre dhax fadhiyo ceebtaan ay dadkaan laysku keenay ee sheeganaya digil. Ogow digil danbe wax sheegta waa laga weyn doonaa shabeelada hoose ee hawiye iyo Garre iyo Biimaal hadin qaybsadaan waxba ma tihiinee

  9. samaale fara bdn ayaa dagan gobolka sh hoose sida gare gal jecel hubeer iyo wixi lamid ah marka digilka xaq wuu kuleeyahay dhulka in la duudsiiyo ma ahan thanks aqyaarta

Comments are closed.