Xarunta Qaramada Midoobey oo Maanta Ka Furmi Doona Kulan Looga Hadlayo Arimaha Somaliya

0
43

golaha-ammaankaShir Gaar ah looga Hadlayo Arrimaha Somalia ayaa maanta ka furmaya xarunta Qaramada Midoobay ee New York, kaasoo ay Shir-guddoomin doonaan Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-Moon.

Waxaa lagu wadaa in shirkan ay kasoo Qayb-galaan Madax ka socda dalalka Caalamka Qaarkood, iyadoo diiradda lagu saari doono shirkan arrimo ay ka mid yihiin; siyaasadda, amniga iyo Hiigsiga Somalia ee 2016-ka.

Qodobbada looga hadli doono shirkan ayaa waxaa kaloo ka mid ah Qaabka loo wajahayo dhammaan howlaha horyaalla Somalia, kuwaasoo Dowladda Xilligan jirta laga doonayo inay ku dhameyso inta aan la gaarin dabayaaqada sannadka soo socda.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa Kulammo Wuxuuu la Qaadan doonaa Dhamaan madaxda ay ciidamada ka joogaan Somalia, kaasoo looga hadli doono Ammaanka, sida uu sheegay Afhayeenka Madaxtooyada Somalia, Daa’uud Aweys.