Dhegayso..Maxamuud Sayid Aadan oo lagu wado inuu Madaxweyne ku xigeen ka noqdo Maamulka Boobland

0
85

sayid

 

 

 

 

Wararka laga helayo xarunta Madaxtooyada Boobland ee magaalada Kismaayo ayaa xaqiijiyay in Maxamuud Sayid Aadan iyo Maxamed Aw Libaax oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Kismaayo shalay lasoo dajiyay qeybta martida ee xarunta Madaxtooyada Jubbaland. xubnahaanayaa markii hore deganaa Hoteelo ku yaalo magaalada Kismaayo.

 

Maxamuud Sayid Aadan iyo Maxamed Aw Libaax ayaa 10-bishaan ka tanaasulay fikirkii siyaasadeed ee ay kaga soo horjeedeen Maamulka Boobland , iyagoo qaatay go’aan cad oo ay ku garab istaagayaan Maamulka Jubbaland,tegitaankooda Kismaayana waxay ka caraysiisey Maxamed Cabdi Kaliil oo ahaa Gudoomiyahii Gobolka Gedo oo mas,uuliyiintaasi ku fikir ahaa.

Maxamuud Sayid Aden oo aan wax ka weydiinay ujeedada kismaayo uu u tagey iyo kulamada uu la qaatey Madaxweynaha Boobland ayaa sheegay in wadahadalo ay la qaateen Axmed Madoobe,islamarkaana ay isla meel dhigeen sidii shir dib u heshiisiin ah loogu qaban lahaa siyaasyiinta ka soo horjeeda ee ku sugan Gobolka Gedo,waxuuna rajo wanaagsan uu ka muujiyey khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Maxamed Cabdi Kaliil iyo Axmed Madoobe in dhowaan looga wada hadli doono Kismaayo.

Maxamuud Sayid Aadan iyo Aw Libaax oo la Dajiyay xarunta Madaxtooyada Jubbaland iyo warar sheegaya in xilal loo magacaabi doono