Daawo..Somali Bantu ku banaanbaxay Xasan Shiikh

1
873

1kJaaliyada Soomaaliyeed ee Jareer weyne(Somali Banu) oo Banaanbaxani horkacaysay ayaa waxay uga soo horjeedeen Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo isagu Xaruntaasi uga qeybgalaayo Shirka 70-aad ee Qaramada Midoobay.

Dadkaani ayaa Madaxweyne Xassan ku eedeynaayo inuu laalay Cadaalada dalka islamarkaana ay DF Somalia ku tumatay xuquuqdii ay Beeshu ku laheyd Dowlada.

Inta uu Banaanbaxa socday ayaa waxaa Xarunta horteeda Saxaafada kula hadlay Cabdi Mude oo ah Afhayeenka Beesha Jareerweyne waxa uuna sheegay in Banaanbaxa uu yahay mid ay uga soo horjeedan Madaxweyne Xassan, waxa uuna Tilmaamay in DF ay baabi’isay xuquuqda Beesha Jareer weyne.

Cabdi Mude waxa uu sheegay in Cadaaladarida lagu hayo ay qayb ka tahay qaybsiga awoodda Siyaasadeed ee dalka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Banaanbaxa uu yahay mid ay Cabashadooda ku ogeysiinayaan Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Shirka.

Dibadbaxan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horeysay oo Soomaali ay dhigto oo ka dhaca Xarunta Qaramada Midoobay ee New York, halkaasoo uu ka socdo Shirka 70-aad ee Qaramada Midooba3ky.2k5k

4k

1 COMMENT

  1. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Wixii ay idinka sugaayeen shacbiga Bantu somaliya waad gudateen hadii aad tihiin qurbe joog waxaa idin harey in aad ku booqataan xaq u dirirka difaaca ugu jiro dhul boobka uu wado Xasan sheik iyo beeshiisa hawiye Mhd.

Comments are closed.