Madaxweynaha Dowlada Federalka somaliya oo Sheegey in Seddexdii Sano ee lasoo Dhaafey Guulo Laga Gaarey La dagalanka Alshabab

0
35

xasan shMadaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud oo ka Qayb-galay Shir madaxeedka Gaar ah oo looga hadlayay la-dagaalanka Kooxda ISIL iyo Xag-jirnimada oo uu marti-geliyay Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, kana dhacay Xarunta QM ee New York ayaa sheegay in Soomaaliya ay guulo la taaban karo ka gaartay la-dagaalanka Argagaxisada.

Kulankan ayaa Waxaa Goobjoog ka ahaa Hoggaamiyeyaasha Caalamka intooda badan, iyagoo ka doodayay sida loola tacaalayo Caqabadaha la xiriira la dagaalanka argagixisada caalamiga, iyo sida looga hortagayo faafitaanka xagjirnimada hubeysan.

Madaxweynaha ayaa kulan madaxeedkaasi kadib sheegay in dagaalka argagixisada uu yahay mid caalami ah oo u baahan in si wadajir ah loo wajaho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka hadley hawlgalada milateri ee dowladdiisa ay ku qaaddey Al-shabaab oo uu sheegay inay mira dhal ahaayeen.

“Guulaha Soomaaliya ee dhinaca la dagaalanka argagixisada saddexdii sanno ee la soo dhaafey waxaa ay muujiyeen in Al Shabaab laga guuleysan karo. Somalia waa dalka keliya ee awooday inuu si wanaagsan dhulkiisa ugu jebiyo koox argagixiso caalami ah.”

Madaxweynaha ayaa qirey doorka muuqda ee dalalka Midowga Afrika ee hawlgalka AMISOM ciidammada ugu deeqay sida – Uganda, Burundi, Sierra Leone, Djibouti, Kenya iyo Ethiopia, oo uu sheegay inay cayaareen door wanaagsan oo lagu taageerayo Soomaaliya.

Istaraaatiijiyadda la dagaalanka argagixisada waxay Somalia u suuragelineysaa inay kaga hortagto shabakadaha argagixisada, iyadoo laga hortagayo barnaamijyadooda, lagana xayirayo awoodaha ay u yeelan karaan inay si xor ah ugu fuliyaan falal argagixiso iyo inay qortaan dhalinyaro la qasbey ama maskaxda laga xadey oo ay ka dhigtaan malishiyaad u dagaalama.

Talaabooyinkan waxay kale oo keeni karaan in xubnaha Al Shabaab ay ururkaasi isaga baxaan, isla markaana ay noqdaan dad qaata mabaadi’da dowladda ee ku dhisan dib u heshiisiinta, iyo dhaqangelinta barnaamijyo lagu dhaqan-celinayo dhalinyarada ay saameeyeen fikradaha khaldan ee Al Shabaab.