Dagaalo Maanta Ka Qarxay Duleedka Deeganka Nr 50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose

1
46

leegoWararka naga soo gaaray deegaanka Nr 50 duleedkiisa ayaa sheegay in goordhow dagaal xoogan uu ka bilowday.

Dagaal ayaa lagu soo qaaday laba fariisin oo ciidamada deegaanka ay ku lahaayeen Deegaanada Balafley iyo Fida Carooti oo ku yaala inta u dhaxeysa No,50 iyo No, 60 oo ku aadan Deexda.

Dagaalka ayaa u muuqda sida ay soo sheegayaan dadka halkaasi ku dhaqan mid xoogan oo leysku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Gurmad xoogan oo ka baxay Ceel-wareegow iyo Buufow Bacaad ayaa ku biray Dagaalka haatan socda.

Lama oga cida rasmiga ee dagaalkaasi soo qaaday iyo ujeedada ay ka leeyihiin hase yeeshee saraakiisha Ciidamada deegaanka ayaa dagaalkaas u arka mid looga soo horjeedo jiritaankooda.

1 COMMENT

  1. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Hala difaaco dalka iyo dadka hadeertaan ayaa wadada xoriyada cagta aad ku haysaan haloo midoobo gumeystayaasha midab kast oo ay leeyihiin.

Comments are closed.